Dawlada Turkigu oo ku dartay liiska argagixisada Ciyaaryahan Maraykan ah

Dawladda Turkiga ayaa liiska argagixisada ee la baadi goobayo ku dartay ciyaaryahan ka tirsan kooxaha kubadda kolayga ee dalka Maraykanka oo lagu magcaabo Enes Freedom. Dawladda Turkiga ayaa dul dhigtay abaal marin lacageed oo gaadhaysa $500,000 (10 milyan oo lacagta Turkiga ah) madaxa ciyaaryahanka Enes Freedom.

Illaa haatan ma cadda goorta uu Turkigu liiska argagixisada ku daray ciyaaryahankan, hase ahaatee ciyaaryahanka Freedom ayaa u sheegay telefiishanka Fox News inuu arrintan ka warhelay, xilli uu ciyaarta kubadda kolayga u joogay xarunta Vatican, markaas ka dibna uu la xidhiidhay hay’adda FBI, iyaga oo kula taliyey inuu dib ugu laabto dalka Maraykanka.

“Tani waa markii ugu horeysay ee dhab ahaantii ay dowladda Turkiga ay madaxayga dul saarto abaal-marin oo ay i geliso liiska argagixisada ee loogu doonista badan yahay, sababtoo ah waxaan ka hadlaa qaar ka mid ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo maxaabiista siyaasadeed ee ka dhacaya Turkiga,” ayuu yidhi Enes Freedom xilli uu la hadlayey telefishanka Fox News, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey. “Waad la socotaan, anigu keligay ma ihi. Waxa liiskaas ku jira suxufiyiin badan, aqoonyahanno, macalimiin iyo dad caan ah.”

Ciyaaryahankan ayaa si ba’an u dhaleeceeya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo weliba dhacdooyinka xuquuqda aadanaha ee dalkaas ka dhaca, wuxuuna ugu baaqay maamulka Biden iyo hoggaamiyayaasha kale ee reer Galbeedka oo ay ku jirto NATO inay tallaabo qaadaan.