Iran oo sheegtay in ay sii ogeyd in Maraykanka iyo Israa’iil ay ‘qorsheynayeen’ fulinta weerarro
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in inkasta oo Iran ay ka warhaysay “ujeeddada” Maraykanka iyo Israa’iil ee ah inay weerarrada fuliyaan, haddana ay wada-xaajoodka galeen iyadoon loo eegin.
Waxay qiratay in weerarradu ay dhaceen “xilli ay Iran iyo Maraykanku ku dhex jireen hannaan diblomaasiyadeed”.
Wareeggii saddexaad ee wadahadalka nukliyeerka aan tooska ahayn ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ayaa laba maalmood ka hor, 26 Febraayo, lagu qabtay Geneva – iyada oo aan wax horumar ah laga gaarin.
Iran iyo Mareykanka ayaa sidoo kale yeeshay shan wareeg oo wadahadal ah oo aan horumar laga gaarin bishii May ee sannadkii hore, waxaana wareeggii lixaad ee loo qorsheeyay Juun 2025 la joojiyay ka dib markii Israa’iil ay weerarro lama filaan ah ku qaadday bartilmaameedyada Iran, taasoo dhalisay iskahorimaad 12 maalmood socday oo Maraykanku ku garaacay saddex goobood oo nukliyeer ah oo gudaha Iran ah.
Bbcsomali





