
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si ballaadhan u soo dhoweysay baaqa miisaan leh ee ay soo jeediyeen Xildhibaannada Maraykanka Moolenaar iyo Chris Smith, oo ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka in ay soo saarto talo safar oo gaar ah oo ku saabsan Somaliland.
Sidaasna waxa sheegay afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr), waxaanu bayaamiyay in bayaankaasi Somaliland uga marag kacay muddada dheer ee ay taabogelisay nabadgelyo la isku hallayn karo iyo dawlad dimuqraadi ah oo ka tilmaaman Geeska Afrika.
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaas ku sharraxay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Xuseen Deyr wuxuu tibaaxay in muddo 30 sannadood ka badan Jamhuuriyadda Somaliland ay ilaalisay dhulkeeda iyo xasiloonida badda ay soohdin wadaagta la tahay.
Waxa kaloo uu intaas ku daray in talo socdaal oo gaar u ah JSL ay xoojinayso iskaashiga Mareykanku la leeyahay saaxiib dimuqraadi ah oo lagu kalsoon yahay, wuxuuna xusay inay fureyso fursado horumarineed iyo ganacsi oo cusub.
Afhayeen Deyr wuxuu ku dooday in tallo socdaal oo gaar u ah Somaliland ay gacan ka geysanayso dedaallada lagu horjoogsanayo saamaynta xun ee ay ku leeyihiin qaar ka mid ah quwadaha dibadda ee Geeska Afrika.
Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu xoojiyay in Somaliland u heellan tahay kor u qaadista xidhiidhka ay la yeellanayso Maraykanka iyo xulafadiisa oo ay wadaagaan waxyaabo badan.





