







Dawlada Taiwan ayaa ka hadashay dhismaha cusbitaal ay ku maalgalinayso lacag dhan 22 milyan oo dollar, oo maanta madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo safiirka Taiwan ee Somaliland ay si wada jir ah uga dhagax dhigeen cusbitaalka weyn ee Hargeysa.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Taiwan ee Somaliland, cusbitalkan ayaa ka kooban dhisme laba dabaq ah iyo waadhadh ka kooban 105 sariirood, 3 Tiyaatar qaliin oo casriya, kuwaas oo ay ku tilmaantay in ay kor u qaadi doonto 100% awooda qaliimada ee cusbitaalka weyn ee Hargeysa.
Waxa kale oo ay Taiwan sheegtay in arintani qayb ka tahay heshiisyadii ay Somaliland la seexatay ee lagu casriyeynaayo adeegyada caafimaad ee Somaliland.






