DAWLADNIMADU KAMA SOO HADHO WADASHAQANTA SHAQAALAHA IYO MADAXDA WASAARADAHA.
Maamulka dawliga ahi kama soo hadho Wadashaqaynta waa inuu jiro team work madax iyo minjo ahi.
Waa in lagu dhaqmo nidaamka shaqada iyadoo la ilaalinayo kala danbaynta sharcigu dhigayo, weli waxaynu ku jirnaa maamul daadejin ilaa 1991 waa waqti dheer oo aad dareemayso inuu jiro dibu dhac xagga nidaamka ahi.
Caalamkan ku dayashada mudan waxa la ilaaliyay xuquuqda shaqo oo loo simanyay awoodda laguma tagrifali karo innana waynu gaadhi karnaa.
Wasiirku dadka kama duwana waa shaqaale weliba diiqad ku jira oo ka baqaya inuu ceeboobo, waxay nala raacaan tareenada iyo basaska iyagoo werweraya ma raaxaystaan, halka wasiiradeena agaasiimeyaasha iwm ay yihiin dad cajiiba oo dadka ka fadilan oo la daba ordayo arrimaahaasina waa dibu dhac waqti dheer inna haystay waad arkaysaan wasaaradii iyo shaqaalihii ayaa halkii geela iyo adhiga innoo galay, taasna waxa lagaga bixi karaa inuu jiro isla xisaabtan iyo wadashaqayn wanaagsani.
Shaqaalaha iyo shicibka madaxdu waa inay dhex gasho iyagoo la mid ah oo ay cabashooyinkooda si buuxda ula socodaan waa ku ceeb shaqada inuu ninba halkuu masuulka ka yahay uu ka dhigto meel uu isagu leeyay, waa dhibaato waqti dheer jirtay oo ay taagantay waqtigii laga bixi lahaa daawanaayoow waa dalkaagii.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.






