DAWLADNIMADA IYO MAAMULKA WANAAGSAN WAXA BOQONTA HAYA DAALLIN IS MAHADIYAY.
Waddanka s. Land sheeko beri ka dhacday meel ka mida, ninbaa nin dilay dabadeed ninkii wuu GUDAALAY gudaashu waxa weeye markuu qofku godoboobo ee uu habeen madaw ka guureeyo degaankii uu ku noolaa si uu u baxsado.
Ninkii 25 sano ka dib ayuu ku soo noqday degaankii uu ninka ku dilay, wuxuu la kulmay ninkii uu dilay inan uu dhalay, markay is haybsadeen, ninkii Inankii wuxuu ku yidhi waxaan ahay ninkii aabbahaa dilay, maalintii aan DILAYAY aabbahaa dakharkhaas wejiga igaga yaal ayuu igu dhuftay intaanay naftu ka bixin, iminka waxaan kaa rabaa magtii dakharka inaad I siisid.
Dhaqamada gurracan ee aynu bur burkii ka dhaxalay waa noocaas denbiilihii ayaa abaal marin doonaya,sidaas awgeed dawladdu waa inay sharciga ku mintiddaa oo daalinka ay geed ku xidhaa.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.