Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in dekadda magaalada Berbera ay horumar badan sameysay sanooyinkii u dambeeyay.

Dekadda Berbera ayaa kaalinta 144 ka gashay xagga maamulka dakadaha caalamka, sida ay tilmaameyso daraasad uu sameeyay Bangiga Adduunka sanadkii 2022-kii, balse sanadkan la daabacay.

Warbixinta Baanka Adduunka ayaa lagu sheegay in Dekedda Berbera ay ku taallo goob istaraatiiji ah, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ay dekadda ka socdeen howlo lagu horumarinayo kaabayaasha.

Dekaddan ayaa waxaa sidoo kale wax kala soo dega dalka Itoobiya oo deris la ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaaida ee Somaliland.

Dekadda Jabuuti ayaa sidoo kale kaalimaha hore soo gashay marka la barbar dhigo kuwa dalalka saxaraha ka hooseeya.

Dekadda Berbera ayaa sanadkii hore kaalinta 165 ka gashay qiimeyn sidan oo kale ah oo la sameeyay.

Warbixinta ayaa waxaa lagu qiimeynayay dekadaha caalamka, islamarkana waxaa ay dekadda Berbera iyo Jabuuti ka hormareen dekadda Mombasa oo horey uga mid ahayd dekadaha ugu saxmadda badan.

Maxay Berbera ku muteysatay kaalintan?

Maareeyaha Dekadda Berbera saciid Xasan Cabdulaahi oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay filayeen in ay galaan kaalintan maadaama sida uu sheegay sanooyinkii u dambeyay ay dekadda hormarin badan ku sameeyeen.

“Waxaanu ku muteysanay shaqada aanu u qabanay maraakiibta iyo adeega aanu u qabano, sida dejinta, rarista, shaqada aanu qabanay ayaan kaalintaa ku gaarnay ,” ayuu yiri Mr Saciid.

Maareeyaha ayaa intaa ku daray in “shaqaalaha ka howlgala dekadda ay xirfadooda sare u qaadeen, dadka shaqadan qabanaya oo u diyaar gareysan inay shadan qabtaan” ayuu yiri maareeyaha.

Maareeyaha Dekadda Berbera ayaa sheegay in ay dekadda ku soo kordhiyeen qalab cusub sida wiishashka lagu dejiyo maraakiibta sidda xamuulka culus.

“Beryaha qaar waxaa jiri jirtay in aan weyno wiishash aanu ku rogno kunteenarada qaar laakiin siyaasadda madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo iskaashiga aanu la galnay shirkadda DP World waxay noo saamaxday inaan keeno qalabkii ugu casrisanaa” ayuu yiri Mr Saciid.

Dekadda Barbara waxaa ka horreeya tan Jabuuti oo kaalmaha hore gashay.

Jabuuti (26), Dekadda Berbera (144), Dekadda Port Elizabeth (291), Durban (341) iyo Cape Town (344) ayaa ka mid ah dekedaha la qiimeeyay ee dalalka saxaraha ka hooseeya.

Dekedda Dar es Salaam ee dalka Tanzaniya ayaa iyaduna soo gashay kaalimaha hore ee dalalka saxaaraha ka hooseeya.

Dekadda Mombasa oo horey uga mid ahayd dekadaha kaalimaha hore soo gali jiray ayaa waxaa sanadkan ka hormaray dekadaha Berbera iyo Jabuuti.

Warbixinta Baanka Adduunka waxa lagu xusay in sida wax-ku oolka ah ee dekaddu u shaqaynayso ay fure u tahay horumarka ganacsiga ee gobolka.

“Dekedaha Afrika waa marin muhiim u ah ganacsiga iyo howlaha ka socda waxa uu gacan ka geystaa sugnaanta cuntada. Hawlo hufan oo ay qabtaan dekadaha ayaa ah kuwa go’aamiya muhiimna u ah in Afrika ay gaarto awooddeeda dhaqaale,” ayaa lagu yiri warbixinta Bangiga Adduunka.

Waxaa sidoo kale warbixnta lagu tilmaamay in horumar weyn laga sameeyey dhanka ganacsiga tan iyo sanadkii 2020-kii markaas oo dekadaha caalamka ay diiwaangeliyeen hoos u dhac ku yimid hawlihii shaqo, kadib markii uu faafay cudurka Covid-19.

Waxyaabaha uu Bangiga Aduunka eegayay waxaa ka mid ah xagga tayada, maamulka iyo dhanka adeeg bixinta.

Dekadda Berbera

Dekadda Berbera markii ballaadhinta loo sameeyey ka dib waxay ku jirtaa dakadaha ugu waaweyn ee ku yaalla Geeska Afrika .

Wajiga Koowaad ee ballaadhinta waxaa gacanta ku hayay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.

DP World waa mid ka mid ah shirkadaha xudduudaha ka gudbay oo laga leeyahay dalka Imaaraadka oo ka shaqaysa dekadaha, keenista iyo qaadista badeedcadaha.

Heshiiska dekedda Berbera ee DP World ayaa dhaliyey muran fara badan waagii la hirgelinayey.

Maxaa lagu kordhiyay dekadda Berbera?

Dekeddu waxa ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteenarro cabbirkoodu yahay TEU.

Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU. Waxaa laga dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga Geeska Afrika.

Waxaa lagu soo kordhiyey siddeed wiish oo kuwo waaweyn ah.

Dekedda cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono