Denmark oo Shaacisay inay Taageerayso Doorashada Somaliland, Walaacna ka Qabto Xaaladda Laascaanood

Hargeysa(Qaran news)-Dalka Denmark ayaa sheegay in beesha caalamka walaac ka qabto nabadgelyo-daradda ka jirta barriga Somaliland gaar ahaan Laascaanod, isla markaana ballanqaaday inay taageeri doonto doorashooyinka qorsheysan sannadka dambe.

Md. Steen Sonne Andersen, Safiirka Denmark ee Kenya oo socdaal saddex maalmood ku yimi dalka ayaa sheegay in kulamo uu la yeeshay xukuumadda, xubno Wasiiro ah, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada si wanaagsan isugu afgarteen.

Safiir Andersen oo ka hadlay socdaalkiisa ayaa sheegay inuu rajeynayo in horumar lagu gaadho doorashooyinka November 2024,
“Denmark, waxaan si weyn u taageernaa horumarka nidaamka dimuqraadiyada, waxaanan ka hawlgeli doonaa in hore loo socdo.”

Safiirka Denmark ayaa sheegay in Denmark iyo beesha caalamku aad uga walaacsan yihiin nabad-gelyo darada ka jirta deegaanada bariga Somaliland ee ku teedsan Laascaanod
“Waxaan rajeynayaa in wada hadal nabadeed ka hirgalo, toddobaadyada iyo bilaha soo socda.”