Dhacdada yar ee kadhacday Dhoqoshay sidaan kawar hayo, meeshii ufiicnayd bay maraysaa runtii khalad bay ahayd dhalinyaradu ficilka ay ku kaceen hase yeeshee.
Intaan ogahay beeshii tolka ahayd talo maseegin hawshiina sifiican bay wax uga qabteen maantase anaga inyar bay taladu nagabariiqatay waxaana haboonayd arinta in lagu koobo dhalinyaro khaldantay waxaanse
Meesha kujirin ergo culus oo habarjeclo ah
Oo garnaqsi utegay riyo xidho iyo hadalo taagtaagan oo lays dhaafsaday
Habarjeclo dawlad maaha mana aha
Inay kashaqayso hawshii bilaysku qaban lahaa waxaan ku faanaynay maanta beelaha habarjeclo waxay dhexda u xidheen siday qaranka ubadbaadin lahaayeen cidwaliba waxaysoo dhowaysay
Cimaamadii iyo go.aamadii habarjeclo
Rageenii qaranka kalacelinaayey
Ma waxaynu ku duulay oo qoryaha uguranay gaadhi labaatan kun jooga oo dawladu leedahay waar bal beri hore
Ayaa cimaamada laynaga qaaday cadho yar oo reebtay habarjecloy muuse waakaa
Gaadhi hadalkiisa halkaa aynu ku dayno
Tegistii riya xidhona aynu raali gelin ka bixino tolkan balaadhan ee inamada buurta galay kadhasheena waxaan odhanlahaa kaftan ahaan ilmaadeerayaal
Kursigii idiin xukunay waanuna idinsaaraynaa hadii alle idmo waxaad katalisaan kursiga inaanu idinsaaro.
Idinkoo xaragoonaya oo sharfan amase
Idinkoo faraha dhiigkuleh oo faydan
Midna hasugina muuse inaynu ka kicino kursiga dhaqaalena kaqaadno.
Wixii adkaada anaga nagulasoo ciira
Xagayaga diyaarbaanu idiin nahaye
Intaasi kaftan iyo run kamatagana midna
Boqor Osman Buurmadow