Dhallinyarada reer Boorame oo Fagaare ja Caddeeyay siday u Jecel yihiin Dalkooda Hooyo

Hargeysa(Qaran news)- Dhalinyarada Boorame ayaa sheegay in aanay jirin cid uga lexjeclo badan dalkooda JSL.

Dhalinyarada reer Boorame oo warbaahinta kula hadlay badhtamaha magaaladu waxay sheegeen in aan cadow dibadeed dumin karin Somaliland oo ay caddeeyeen inay ku dhex dhasheen oo ay jecel yihiin dalkooda iyo nabadgelyada ay ku naaloonayaan.

Dhallinyarada Boorame waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen cidda ku hadaaqaysa inay burburiyaan Somaliland.

Dhallinyaradaas ayaa xusay in shakhsiyaad dibad wareeg ahi waxba ka beddelaynin Qarannimada JSL.