Dhallinyarada reer Kenya oo si Adag uga Hadlay Hadallada deelqaafka ah ee Faarax Macalin u Jeediyay Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)- Dhallinyarada reer Kenya ayaa wax laga xumaado tilmaamay tallaabooyinka siyaasadda ka arradan ee Xildhibaan Faarax Macalin uu wax kaga sheego danaha iyo siyaasadda Somaliland iyo Itoobiya.

Dhallinyaro reer Kenya ah oo sheegay inay metelaan dhalinyarada ka soo jeeda deegaanka Dhadhaab, ayaa bilaabay olole ay ugu magac dareen Xildhibaan “Faaraxow xishood” waxana ay ku doodeen in dalalku ay u madax bannaan yihiin siyaasadooda iyo iskaashigooda.

Waxana ay xuseen inay ka shaqeystaan dalalka uu Xildhibaanku wax ka sheegayo masaalixdooda, taasina ay keenayso in colaad loo qaado dadka reer Kenya.

Dhallinyaradaasi waxa ay Baarlamaanka Kenya ku booriyeen inay tallaabo ka qaadaan Faarax Macalin oo ay ku tilmaameen in uu ka shaqeynayo wax aan ahayn danaha iyo masaalixda dadka iyo dalka reer Kenya.

Waxayna caddeeyeen inay taageersan yihiin is dhexgalka iyo iskaashiga dalalka mandaqada oo dhan.

Dhallinyaradaasi waxa ay ugu baaqeen Faarax Macalin inuu 24 saacadood gudahood raaligelin ka bixiyo hadalladiisa deelqaafka ah ee uu u jeediyo dalalka jaarka ah, kuwaasi oo aanu ku metelin dalka Kenya.