Musharraxa madaxwayne ee xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kulan la qaatay dallada dhalinyarada Talo-wadaag CMG) oo ay ku midaysan yihiin dhallinyaro ka soo jeeda deegaannada Hargaysa,Laasgeel,Jaleelo,Madheera iyo Bullaxaar. Dhallinyarada ayaa si buuxda u taageersan isbedelka xisbiga WADDANI wado.