Boorame(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda JSL ayaa xadhiga ka jaray Dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey Xabsiga Dhexe ee Gobolka Awdal.

Agaasimaha Guud Waxa Xafladda Xadhig ka Jarka Xabsiga Dhexe Boorama ku welinaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dalxiiska, Taliyaha Asluubta JSL, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta, Xoghayaha Dagmadda Borama, Masuuliyiinta Ugu sareeya Maxkamadda Gobolka & Xeer-ilaalinta

Waxa Si Qotodheer uga waramay Marxaladihii uu soo Maray Dhismahan Cusub ee Xabsigu, Masuul Ku Hadlayey Afka Shirkada Binaysay dhismahan (National Constraction and Contrac Company) Md Eng cabdirashid xaashi, ayaa Sheegay Inuu Dhismahan yahay Dhisme Casriya oo Ka kooban Lix Hool, & Xafiisyo.

Waxa Hadalka iska daba Qaatay Masuuliyiintii Wasiiradu ugu Horeeyeen oo Aad ugu Mahadceliyey Madaxwaynaha Jamhuuriyaha Somaliland Md: Muse Biixi Cabdi Oo Kaalin Muuqata Ka Geystay Dhismahaa Casriga Ah ee Xabsiga.

Sidoo Kale Waxa Lagu Amaanay Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta iyo Wasiirka Caddaaladda inay Kaalin Muuqda Ka Gaysteen Mudadii uu socday Dhismahan Maanta Xadhiga Laga Jaray.