Waan ku faraxsanahay hadalkii caal waaga ahaa ee ka soo yeedhay raisalwasaaraha kooxda Dhaxal Talyaani(ibrahim Hawd).
Hadalkaas iyo weerarka kooxdaas oo mideeyay quluubtii kala jeeday ee shacabkii somaliland ee siyaasigoodu qaybiyay markii horeba.
Waa mahad eebe hadii siyaasiyiintii somaliland la jaan qaadeen shacabka somaliland ee xariirta ah.
Somaliland waxa loo baahan yahay in Madaxweynuhu isugu yeedho dhamaan daneeya yaasha siyaasada sida labada xisbi mucaarad madaxdooda iyo ururada.
Waxa loo baahan yahay Madaxweyne Biixi inuu ku hogaamiyo dagaalkan midnimo qaran iyo wada jir. Somaliland kumay iman baryo iyo calaacal ee waxay ku timi cid waliba way ka dhereg santahay.
Waxa Somaliland looga baahan yahay inay qaado talaabo degdeg ah oo soo hor dhigto beesha caalamka inaanay jirin wax somali Republic la yidhaahdaa waa in si degdeg ah Somaliland u tagtaa ICJ maxkamada caalamiga ah.
Arinka furaha telefoonka ee 252 waxa iska lahayd Somaliland magaceedana waa lagu diiwaan geliyay. Somaliland waa inaanay kooxda Villa Wardhiiglay ugu yeedhin dawla iyo maamul toona.
Waxa lagama maarmaan ah in somaliland isticmaasho goobtan istiraatiijiga ah ee ay ku taalo, waa inaanay ku koobnaan Ethiopia iyo dawladaha reer galbeedka qudha waa in si degdeg ah loogu diraa wafti Moscow iyo wadamada kale ee kala danta yihiin USA iyo GB arintaas oo soo dedejinaysa in caalamka dhakhso u soo faro geliyo.
Ibrahim Duale Sulaiman