Xaaladda cunno-yarida iyo nafaqo-xumada ee Soomaaliya ayaa si ka dhakhso badan sidii la filayay uga sii dareysa, taas oo ay sabab u yihiin roobabkii oo baaqday, dhimista maalgelinta gargaarka bini’aadantinimo, iyo saameynta ka dhalatay colaadda Bariga Dhexe, sida ay shalay ka digtay Barnaamijka Cunnada Adduunka Qaramada Midoobay ee (WFP).

Warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan xaaladda sugnaanta cuntada, ayaa WFP waxay ku sheegtay in gaajada heerka degdegga ah (IPC Heerka 4) ay hadda saameyneyso bulsho gaareysa labo milyan oo qof, taasoo labanlaab ka badan tiradii sanadkii hore, isla markaana muujineysa hoos u dhac weyn oo ku yimid sugnaanta cuntada.

Waxay sidoo kale sheegtay in gargaarka cuntada ee bini’aadantinimo uu hadda gaarayo oo keliya 450,000 oo qof, taasoo ka dhigan in 76 boqolkiiba dadka ku jira IPC Heerka 4 aysan heli doonin wax taageero ah ilaa bisha Agoosto.

“Farqigan wuxuu yeelan doonaa cawaaqib aad u daran oo ku wajahan dadka ugu nugul. Waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay maalgelin dheeraad ah si loo ballaariyo gargaarka loogana hortago in xaaladdu sii xumaato,” ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

Sida ay sheegtay WFP, Soomaaliya waxay weli ku jirtaa mid ka mid ah dhibaatooyinka nafaqo-xumada ugu daran adduunka, iyadoo 1.9 milyan oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba’an.

Soomaaliya

Xigashada Sawirka,Getty Images

Waxay intaas ku dartay in yaraanshaha adeegyada gargaarka bini’aadantinimo uu kordhinayo khataraha halista ku ah nolosha, iyadoo falanqeyntii ugu dambeysay ee IPC ay ka digeyso khatar macaluul oo ka jirta degmada Burhakaba ee Gobolka Koonfur Galbeed, halkaas oo ku dhowaad 40 boqolkiiba carruurta ka yar shan sano ay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba’an ama ka sii daran.

Ururku wuxuu sheegay in billowga xilliga qallalan ee Xagaaga, oo lagu arkay roobab aad u yar oo ka da’ay bartamaha Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Puntland, uu khatar gelinayo dad weli si aad u jilicsan uga soo kabanaya abaarihii hore.

Sida ay sheegtay WFP, dhibaatooyinkan cimilada waxaa sii xoojinaya cadaadisyo dhaqaale oo ba’an oo la xiriira colaadda Bariga Dhexe.