DIMUQRAADIYADDII SOMALILAND WAXAY KU NOQOTAY LABAATAN JIR GAALKACAYO JOOGA ILAAHAY UMUU XIL QARIN

Dimuqraadiyadda aynu qaadanay waxay leedahay khasaare dhinac socda dhaqankeenna iyo diinteenna suubban waxa ka mida waxyeeladeeda.

1.Warbaahintii oo laga faafinayo fasahaad xishooddarro iyo dhaqammo aanay ogolayn diinta islaamku, waa xaaraan in qof muslim ah cirdigiisa iyo sharaftiisa lagu qaawiyo umadda horteeda si xaqdarro ah ula kac (ku xumee).

2.dimuqraadiyaddu waxay inna bartay dadkii lagu baxsanjiray sida ABWAANADII iyo madaxdhaqameedkii in loo adeegsado kaambaynno siyaasadeed iyo dano shaqsi oo gaar ah taasina waxay dhaawac ku tahay nolosheenna.

Waxaynu qaadanay mabda’ inna jaahwareeriyay oo hooyooyinkii warbihinta loo adeegsaday.

Waxaynu nahay dad muslim ah oo haysta diinta islaamka oo ah mabda’ binu aadmi qaato kii ugu cajiibsanaa dariiqii nebi MOHAMAD SWCW. oo ah halkay ku xasisho nolosha binu aadmigu.

Maxaa innoo diidadaya inaynu diinteenna ku dhaqanno taasaaba laynagu ictiraafayaaye.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
LONDON.
GUUL ALLE.