Sidaynu, inteena wax ka bowsatay sida loo maamulo dawlad iyo dadba, ka war hayno amma ka war qabnaba, qarnigan aynu ku
jirno, siyaasiyiinta u tartama madaxnimada wadamada nidaamka ay isku xukumaan
uu yahay diimoqraadiyad kuma murmaan
habka dal iyo dadba loo xukumo; waayo shuruuc iyo xeerar dal iyo dadweynaba
lagu maamulo ayaa u dejisan dal walba,
aanay madaxdu ku tuman karin.
Waxay kaloo aanay madaxda xisbiyada ku
loolama talada, mucaarid iyo muxaafidba,
haba yaraatee sinaba ugu murmin xilliga
la qalqaaliyo lana qabto doorashooyinka, noocay doonaan ha noqdaane, waayo
xeerar iyo xilli sugan oo la wada og yahay
lana wada ogal yahay oo sharci ah oo dal
walba u yaal ayaa jira, oo aan xisbi amma
urur diidi karin.
Muddo xilleedka Madaxda ay ka midka
yihiin m/weynayaashu iyo xildhibaanada Golayaasha ee dal walba oo diimoqraadiya waxay ku qayaxan tahay oo ku sheegan
tahay distoorka dal walba u yaal.
Nidaamka dawladnimo, shaqada ay dawladi qabato iyo Sharciga waxa horeeya Sharciga, oo nuxurkeedu yahay in aanay dawladi qaban karin amma ku dhaqmi karin waxaanay sharci u haysan.
Sharciga amma Distoorka S/land iyo waxay dawladi qabato waxa horeeya SHARCIGA. Illlaa maantadan aynu joogno Distoorka iyo shuruucda S/land waxay aqoonsan yiin Saddex Doorasho oo kala
ah: a) Doorashada M/weynaha, b) Doorashada Golaha Wakiilada iyo c) Doorashada Golahs Deegaanka.
WAX LA YIDHAAHDO DOORASHADA URURADA DISTOORKA S/LAND MA YAQAANO MANNA AQOONSANA ILLAA MAANTADAN..
Ururda waxa furay madaxweyne dan lahaa oo garab ka helay Maxkamada Sare ka dib ay markii ay Maxkamaďu si qaldan u soo saartay go’aan in ay ururadu geli karaan doorasho toos ah.
Waxa xusid mudan in ay maxkamidi ay.rido xukun (judgement) laakiin aanay soo saarin maduuliyadrrdna aanay ahayn in ay soo saarto xeerar amma shuruuc. Sidaa darteed kuwa ururada furtay eaa in au fahmaan in.go’aankii maxkamadu aanu xeer iyo sharci midna.ahayn.
Profeesarada ay ka mid yihiin Pro.Samatar iyo Pro Abdisalaan ee intaa fahmi waayey
ee welii leh aqbalimayno go’aankii ay soo saareen gudida dhexdhexaadinta ee beesha H/J, sharciyada ay cuskanayaan runtii ma abuura.
Abdillahi Daraeal iyo Marwada Rooda Cabdi waxa ku waajib ah in ay dib ula tashadaan ninkay xinka iyo xumaanta kula socdeen ee u furay ururada aan sharciyada lahayn, saday ku soo baxeena ay gacan ku rimiska ahayd.
Caqligu ha shaqeeyo. Cadaaladu waa xaakim billaa naxariisa – Justice is a merciless judge.
By : Jamafalaag.
Hargeisa, S/land.
jamafalaag@gmail.com