Afhayeen u hadlay isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqay in diyaarad aan duuliye lahayn (drone) lagu qabtay laguna burburiyay hawada magaalada Riyadh, caasimadda dalkaas.

Afhayeenka isbahaysiga, Turki Al-Maliki, ayaa bartiisa X ku qoray in nidaamka difaaca cirka uu qabtay oo burburiyay “diyaarad aan duuliye lahayn oo cadow ah” oo ku sugneyd hawada gobolka Riyadh.

Waxa uu intaas ku daray in haraadiga diyaaradda ay ku soo dhaceen aaggaas kaddib markii la burburiyay, balse aanay wax khasaare ah geysan.

Dhowr saacadood ka hor, Turki Al-Maliki ayaa ku dhawaaqay in laba diyaaradood oo kale oo aan duuliye lahayn lagu soo riday gobollada bariga iyo koonfurta Sacuudiga.