Diyaaraddii sidday qaxootiga ee ku xayirneed Jabuuti oo caga dhigatay Juba
Diyaarad sidday 8 qof oo maamulka Trump uu ka soo musaafuriyay dalka Mareykanka, islamarkaana muddo bil ku dhow ku xayirneyd saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa gaartay dalka Suudaanta Koofureed.

In kasta oo ay jiraan dadaallo kala duwan oo dhanka sharciga ah oo looga hortagayo soo galootiga in la tarxiilo, haddana waa la diiday oo waxaa loo diray Suudaanta Koofureed.

Qoxootigan ayaa lagu hayay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, sababtoo ah waxay ku jireen muran dhinaca sharciga ah.

Dadkan ayaa la tarxiilay Jimcihii, maalinta madax-bannaanida Mareykanka, kaaliyaha xoghayaha amniga gudaha Trisha McLaughlin ayaa shir jaraa’id sidaa ku sheegtay.

“Tani waxay ahayd guul u soo hoyatay sharciga, badqabka iyo ammaanka dadka Maraykanka,” McLaughlin ayaa intaa raacisay.