Dooddii Cabdirisaaq Khaliif: Duntii Go’day!
“Allow yaa wixii hore tagee, taliya oo yeela”, Abwaan baa la ga hayay.
“Runtu daahir yaa shamis, ha ku deeqdo weeyaan”, Taas na abwaan kale ayaa la ga qoray!
72 saacadood ayaa ka soo wareegtay hadalkii garnaqsiga ahaa ee Khaliif, ilaa hadda na hadalhayntiisii waa socotaa. Ninkaasi sida dad badani sameeyaan muu is ka hadlin, wuu se hadlay. Hadalkii Jabuutaawi kii soo labeeya ee u gu xoogga iyo saamaynta badnaa buu ahaa marka la eego doodda reer-Laascaanood. Waxa aan eegaayay jawaabta ka timaadda dhinaca warku u socday, sidii aan malaynaayay na jawaab micno lehi ka ma iman.
Khaliif waxa uu sheegay sababta uu u tegay intii aanu dagaalku ba qarxin, iyo in uu taliska jira, khaasatan Muuse oo wax aan dagaal ahayn aan doonayn, ka quustay. Hadaba, in kasta oo mawqifkiisa kan ah la fili karaayay marka la eego waxa dhacay, hadana marka la qiimeeyo waxa la gu tilmaami karaa duntii u dambaysay ee Somaliland iyo dadkaas isu haysay oo go’day. Sida la wada ogyahay, beesha Dhulbahante Somaliland aragtiyo ka la duwan ayay ka haysteen, dabcan qadiyadaha kale na aragtiyo ka la duwan ayay ka lahaayeen, weli na ka leeyihiin. Dhulbahante fikir ahaan Somalilandaysan oo weliba tiradoodu soo kordayso, kuwo Puntlandaysan, iyo kuwo Muqdishaysan ayay isugu jireen, imika se kooxda u horaysa ayaa gebi ahaanba Meesha ka baxday waxa Laascaanood ka dhacay awgeed.
Is la sababtaas darteed, ayay dadkii deegaankaas ee fikirka Somaliland xambaarsanaa oo dhami u dhigeen. Khaliif waxa ka horeeyay golihii deegaanka ee siyaasadda Somaliland iyo xisbiyada Somaliland ku tartamay, ee ku qanacsanaa, ee la gu doortay. Waxa ka mid ah cutubyadii ciidanka ee deegaamadaas ka soo jeeday oo dhan, oo dhinaca kale ka soo jeedsaday. Waxa ka mid ah shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladda Somaliland halkaas u joogay. Waxa ka mid ah hogaamiyayaashii ururada siyaasadda – Cataash iyo Saleebaan – oo sidaas Khaliif oo kale go’aamo aanay dhawr bilood hortood ku fikirayn qaatay. Waxa ka huleelay ganacsatadii Jabuutaawi ka mid ahaa, ee Somaliland iyo xisbiga Kulmiye taageersanaa; waxaa la mid ah odayaashii Garaad Jaamac ka mid ahaa.
Imika, su’aashu waxa ay tahay, dadkaas oo dhan, ee Khaliif u dambeeyay maxay Somaliland u ga tageen? Muuse iyo inta la fikirka ahi weydiintaas waxa ay u hayaan jawaab fudud, oo aad u fudud, oo toos ah. Waxa ay leeyihiin dadkaas Somaliland afka uun bay ka ahayd ee uurka ma jirin, hadii ay tageen na, waa khaayimiin tagtay uun. Jawaabtoodu taas weeye, waa se ogyihiin in aanay ahayn tii saxda ahayd. Waa jawaab dani badday, oo ay is leeyihiin taas baa loo gu qaatay, runta se aad ayay u ga fogtahay.
Runeey la gu neceb, lagaama se raysto. Haba qadhaadhaato hadii ay doonto, waa se in run la isu sheego. Sababta dadkaas oo bilo yar hortood Somaliland ahaa, oo doorashooyinkeeda ka qayb galay, oo ganacsiyadooda Hargeysa ka furtay, oo reerahoodu deganaayeen, ay si aan ka la hadh lahayn jihada kale u gu kaceen, wax mugdi ahi ma ku jiro. Waa siyaasad xumada Hargeysa taallaa, taas oo Laascaanood si aan soo noqosho lahayn u dirtay, Laasqoray oo ka horaysay na dirtay. Taariikhda awgeed, saddex qalad oo is raacay, oo anigu markii hore aan u arkaayay in ay nacasnimo iyo ku talagal la’aan u dheceen, dib se aan ka garowsaday in ay u kas ahaayeen, ayaa wax kasta oo dhacay sabab u ah. (1), Diidmadii hirgelinta heshiiskii Khaatumo ee Cali Khaliif iyo Somaliland is la gaadheen, oo Muuse uu badheedh iyo bilaa sabab u diiday. Qof sheegi kara sabab maangal ah ma jiro. (2), Wax ka qabad la’aanta dilkii ugaadhsiga ahaa ee Laascaanood ka socday, iyo (3), dhacdadii 27 December, 2022, waa maalintii dadka rayidka ah ee aan hubaysnayn la gu dhug bartay, ee hubka nooc walba leh loo nacay. Saddexdas xaqiiqo hadii sidaas si ka duwan loo maamuli lahaa, (waanan hubaa sidaas si ka duwan in la karaayay, aan se la doonayn), waxa maanta jooga oo dhami ma dhaceen. Xaasha. Daarood baa soo duulay iyo shabaab baa soo galay iwm, waa sheeko uu taliska faasidka ah ee Muuse eedda is ka ga duwaayo, ka se baydhi mayso. Dadka soo duulay iyo waxa ay sheegayaan oo dhami waa jiraan, laakiin maxaa keenay waxaas? Taas bay indhaha ka lalinayaan, waxba se u tari mayso.
Hadaba, xaqiiqada maanta taallaa maxay tahay, maxaa se xal ah? Xaqiiqadu waa mid keliya. Dhulbahante Somaliland waa u ga dhamaatay. Qaybihii awalba aan ogolayn mashruuca Somaliland waa la wada ogaa, kuwii ogolaa na, kahsab baa la gu diray, oo albaabka la tusay. Warsangeli iyaka saxaafadda ayaa fariin cad loo mariyay mar hore, waana tii la wada ogaa Nuux Taani fariintii uu TV yada u ga sheegay. Awalba xoolahayaga ayaad is ka cuni jirteen ee is ka taga ayaa la gu yidhi, waanay tageen, sidaas baanay degmooyinkoodii oo dhan u ga dhacday doorashadii Puntland ee dhawayd. Hadaba, kol hadii ay caddahay in siyaasi ahaan dadkaas loo ga samray, oo si kasta oo ay nidaamka siyaasiga ah u ga dhex bixi lahaayeen loo ga shaqeeyay, maxay tahay sababta ciidan ahaan uun loo gu dheganyahay ee wiilashu Goojacadde u gu dhimanayaan? Eeg, mid baan iyadu sinaba u suuroobayn – warka ah dhulku ma tago ee dadka ayaa taga, ilaa aanu xadka gaadhno na waa ku dhimanaynaa, marnaba suurtagal ma aha. Xadkii Tukaraq iyada oo aanay hal xabad ahi ka dicin baa la ga soo yaacay, oo Goojacadde la is ku soo ururiyay. Xaqiiqadii khasabtay in dagaal la’aan meeshaas loo ga soo baxo, ayaa halkan na loo ga baxayaa. Dadka dhulku hadii aanay ku ogolayn, ma joogaysid. Hadii aad maanta joogto na berito ma joogaysid. Markaa sabab wiilasha iyo dhaqaalaha loo gu baabiiyo ma ba jirto, laakiin dan gaaban oo shakhsiyaad leeyihiin baa ku dhex jirta.
Is ku soo wada duub, xalku wuxu yahay, ciidankaas in la ga soo qaado meeshaas, caqli ga na la ga shaqaysiiyo. Doodaha ilaa maanta jira ee taas ka hor jeeda, laba ayaa u gu weyn – Goojacadde hadii la ga soo baxo, Dhulbahante halkaas ma joogayaan ee Burco iyo Ceerigaabo ayay imanayaan, run na ma aha. Doodda kale na, waa mid ka sii jilicsan, oo ah Laascaanood hadii faraha la ga qaado, Somaliland ka dambayn mayso. Labada doodoo dba waa been iyo is yeelyeel. Dhulbahante meel aan deegaankooda ahayn ma dooni karaan, hadii ay doonaan na ma helayaan. Besba. Ta Somaliland na, iyada oo Laascaanood maqan ayay jirtay, oo weliba caalamku, gaar ahaan Afrika, ay u hadal haysay sida maanta si ka shilis, oo Midowga Afrika warbixino mug leh ka soo saareen waagii Riyaale. Laascaanood Somaliland xoog ma ku qabsan, xoog na ku ma joogi karto, hadii ay is ku daydo na, dagaalkaasi isaga ayaa Laascaanood iyo Somaliland ta kale ba aakhirka burburinaaya. Siyaad Barre ayaa dabshidkii dagaalka Hargeysa iyo Burco u arkay wax aan shuqul ku lahayn oo meelo fog ka holcaaya, isna uu Xamar is ka fadhiyi doono, noqon se weyday. Iga dhan.