Doorashada Arbacada dalka ka dhici doonta insha Allahu ma aha mid ay ku tartamayaan beelo ama kooxo is hayaa.

Doorashadani way ka duwantahay kuwii hore sababta oo ah xukuumadda hada talada haysaa dalka waxa ay galisay dib u dhac balaadhan haday noqoto gudaha iyo dibadaba, ha ugu sii darnaato dadkii reer Somaliland oo maanta macaluulaaya, colaado, beelihii walaalaha ahaa oo ay xukuumadda hada haysaa ay kala qaybisay.

Todobo sano oo silic iyo sicir barar ayay dadku u soo dul qaateen wixii intaas ka badani waxa ay dalka ku keenaysaa burbur aan laga soo waaqsan karin.

Inkasta oo maanta ay badi shicibka Somaliland ay dhan u soo wada jeedaan sidii Somaliland loo bad baadin lahaa loogana hor tagi lahaa burbur intaasi ka badan oo inagu yimaada waxa ila haboon in dhamaan shicibka Somaliland ay u codeeyaan Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro si loo bad baadiyo dadka iyo dalkaba.

Cirro waa shaqsi aan ku shaqayn doonin qabyaalad, xumaan, xasad, been, hanti urursi iyo kala qaybinta shicibka Somaliland waana qof ka damqada dadka danyarta ah iyo ciidamadda qaranka ee kala duwan iyo ubadkooda waana nin ku hamiya in uu dhiso dhamaan hay’adaha dalka oo dhan.

Qofkasta oo dalka mustaqabal ka leh ama dadka iyo dalka Somaliland jeceli waa in uu u codeeyaa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro