Doorashadee inay Cayimaan ayaa looga Fadhiyaa Komishanka doorashooyinka?

Hargeysa(Qaran)-Guddida Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay 24 saacadood gudahood ku shaaciyaan cayimaada doorashooyinka.

Komishanka oo ka galgashay waajibaadkooda dastuuriga ah oo maxkamadda sare ka socday dhawaan inay u soo caddayso doorashada ay soo horaysiinayaan labada doorasho ee kala ah madaxtooyada iyo ta Ururrada. Waxay kala kulmeen weji gabax kadib. Markii Maxkamaddu ay sheegtay in cayimaada doorashooyinku ay tahay shaqadii Komishanka, waxayna fartay inay shaqadooda qabsadaan. Arrintaasi waxay dibadda u soo saartay khibrad la’aanta Guddida doorashooyinka oo ay iskugu tageen dhallinyaro layli ku ah shaqada iyo siyaasaddaba.

Komishanku waxay toddobaadkii hore ay wada tashiyo ka dhegaysteen dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka oo dhan, waxana maanta looga fadhiyaa inay la shir yimaadaan qorshe hawleedkooda doorashada, iyadoo dadweynuhu aad u sugayaan doorashada madaxtooyada oo ah ta xeerkeedii iyo xoolaheediiba diyaarka yihiiin.

Waxa laga dhawrayaa in aanay noqon qaar madaxtooyada looga soo yeedhiyo shaqadooda, waxa se hortaalla inay si madax-bannaan u gutaan waajibaadkooda.

Doorashda ururraddana waa inay doorashada madaxtooyada kadib la qabtaa maadaama oo labada doorasho ta madaxtooyadu horreysay.

Haddiise sida hore looga arkay ay iclaamiyaan doorashada Ururrada siyaasadda waxa ay dalka gelinayaan murug iyo xasarad hor leh oo wax u dhimaysa wadajirka ummadda reer Somaliland xilli uu dalka ka socdo dagaal lagu hoobtay oo ilaa hada taagan oo aan u baahnayn muran sii xoojiya oo dalka iyo dadkaba wiiqa

Go’aanka Komishanku wuxuu noqin doonaa mud qas iyo qalaanqal u horseeda Somaliland ama mid dalka u horseeda midnimo iyo wadajir lagaga baxo khilaafyada jira ee kala qaybiyay ummaddii midaysnayd Muuse Biixi Hortii.