Cali Guray oo Ciyi Waa ka Baryay ku Tilmaamay Martiqaadka Madaxweyne Muuse ugu Yeedhay Xisbiyada

Hargeysa(Qaran)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in martiqaadka madaxweynuhu ugu yeedhay Xisbiyadu ay tahay Ciyi waa ka baryay.

Waxa kaloo uu sheegay in aanay ciddina aqbalayn inuu yidhaahdo doorasho aan la isla oggolayn ayaan dalka ka qabanayaa.

Sidaasna wuxuu Cali Guray ku sheegay qoraal uu ku daabacay Facebookgiisa, wuxuuna u dhignaa sidan:-

“Tani Waa Ciyi Waa Ka Beryay. Anigu Waxaan Ka Leeyahay: HADDII CADKA QAAR CAMUUDDA KU DHACO; CAADADA REER SHEEKH LAMABA CUNO.
WAAR HORTA MUUSE IYO RAG HA IS ARKO. DOORASHO AAN LA ISLA OGOLAYN DAAYA HA KA QABTO HALKA UU KA QABAN KARO EH
Mucaaridka wax kale uma furnna.

Doorasho aynaan isla ogolayn oo keligaa aad wad wadatay kaalaya ii xalaaleeya waanu ka diidnay. Ka qabo adigu hadaba halka aad ka qabanayso.

Doorashadan isaga ayaa keligii gacmihiisa keligii ku sid-sitay oo hadba dhan ula kacayay.

Ilaa intee ayuu sid sidanayaa? Ilaa natiijadeeda saw maaha? Oo dee Yaa aqbali kara?”