
Waxaan hadda idiin soo gudbin karnaa qayb ka mid ah bayaan muuqaal ah oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer.
“Ma ku biireyno weerarradan, laakiin waxaan sii wadi doonnaa tallaabooyinkeena difaaca ee gobolka,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan rabaa inaan si cad u sheego: dhammaanteen waan xusuusannahay khaladaadkii Ciraaq. Casharro ayaa laga bartay. Annagu kamaana qayb galin weerarradii hore ee Iiraan… mana ku biiri doonno fal weerar ah hadda.”
Si kastaba ha noqotee, wuxuu sheegay in Iiraan ay wado “xeelad wax walba burburin ah,” sidaa darteed UK waxay “taageereysaa is-difaaca wadajirka ah ee xulafadeena iyo dadkeena gobolka.”
Wuxuu ugu yeeray tan “habka ugu fiican ee looga takhalusi karo khatarta degdegga ah… isla markaana looga hortago in xaaladdu sii xumaato.”





