Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay “si ku meel gaar ah” uga saartay qaar ka mid ah ciidamadeeda waqooyiga Ciraaq.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Jarmalka ayaa sheegay in go’aankan la qaatay sababo la xiriira “xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.”
“Shaqaalaha kaliya ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta awoodda hawlgal ee xerada ku taalla Erbil ayaa ku haray saldhigga,” ayuu afhayeenku u sheegay AFP maanta.
Tobanaan askari oo Jarmal ah ayaa laga wareejiyay saldhigga ku yaalla Erbil, oo ah xarunta gobolka ismaamulka Kurdiyiinta ee Ciraaq.
Wasaaradda Difaaca Jarmalka ma aysan caddeyn halka ay ka timid xiisadda ay tilmaamayso, balse Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in si weyn loo kordhiyo maraakiibta dagaalka, diyaaradaha iyo hubka kale ee Mareykanka ee ku sugan gobolka, wuxuuna Iiraan ugu hanjabay tallaabo militari.
Askarta Jarmalka waxay qayb ka yihiin ciidan caalami ah oo loo diray Erbil si ay u tababaraan ciidamada Ciraaq. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Jarmalka ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday“wada shaqeyn buuxda oo lala yeeshay saaxiibbada caalamiga ah ee dalkaas.”
Bbcsomali






