DR.Gaboose oo Naqdiyay Dhallinyarada Beeshiisa ah ee Jabhada ku dhawaaqay

Gar-adag(Qaran news)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in aan gacan ka hadal iyo buura la fuulo lagu gaadhin kursiga balse xal iyo qoraalka ALLE lagu gaadho. Waxaanu cambaarey dhalinyarada beeshiisa ee jabhada ku dhawaaqay.

Waxa uu Sulaadiinta, siyaasiyiinta iyo waxgaradka ugu baaqay in fadhiga laga kaco oo la damiyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Dr. Gaboose waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta ka hadlay daahfurka jaamacada Gar-adag.

Waxaanu yidhi.“Bini’aadamku in uu is khilaafo oo wax kala towdo waa abuuristiisa ka mida, balse waxa nasiibdarro ah in gacan ka hadal xal lagu raadiyo, gacan ka hadal waxa laga helaa waa burbur.
Bulshadu maanta waxa ay la daala dhacaysa nolol adag, dhaqaale xumi, dhib oo dhan ayay la daala dhacaysa, ninkii ka naxaya maanta maalintii uu tabashadiisa gacan ka hadal ku raadinlahaa.

Kuwa gaadiidka hay’addaha afduubaya, kuwa mudaharaadada ku baaqaya, ee is leh Muuse Biixi ayaad waxyeelaysan, waxaan idiin sheegaya in aydaan waxba yeelayn.

Waxaan soojeedinaya miyirku ha soo noqdo, sulaadiinta maanta hortayda soo fadhida waxaan leeyahay ceeb ayay idinku tahay in aad hortayda soo fadhidaan, oo xafladan ka soo qaybgashaan, siyaasiyiinta waxaan leeyahay waar masiibada dalka ka socota hala bakhtiyo cadawgeena ayaa ku farxaye.

Qofkasta oo wax tabanaya xaq ayuu leeyahay balse bulshadu maanta maqaadi karto dhibaato, bulshada JSL, waxaan ugu baaqaya ilaashada nabadgelyaddiina oo kooxo cadhaysan hakala raacina, yaan xumaato dhexdiina laga sameyn.

Aniguba hanbaan leeyahay, intaas oo jeerbaan waayay kursiga, kursiga laguma helo fariidnimo, kursiga laguma helo darrajo, kursiga laguma helo reer, ILLAAHEY ayaa bixiyaa, ciddii ALLE ugartana si fiican ayay u helaan”