Dr. J. Peter oo Isbarbar dhigay Doorashooyinka Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news)-Dr. J.Peter Pham oo ah diblomaasi hore oo Maraykankan ah iyo aqoonyahan lafogura siyaasadda mandaqada Geeska Afrika, ayaa is barbardhigay doorashooyinka qof iyo codka ku sallaysan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo ah qaar aan isu dhaweyn.

Diblomaasi Dr. J.Peter pham wuxuu sidaas ku bayaamiyay qoraal uu ku faafiyay bartiisa X (Twitter), taasi oo u qornayd sidan:-

“Saraakiisha Doorashooyinka ayaa maanta 13ka November ee sannadkan u cayimay doorashooyinka hal qof iyo halka cod ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.doorashadan oo ah tii sagaalaad ee ka qabsoonta Somaliland tan iyo intii ay madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991kii.”

Dr. J. Peter Pham wuxuu sheegay in wax laga naxo ay tahay in Soomaaliya ay sugaysay doorashooyinka qof iyo codka ah illaa 1969kii.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah mid heer ka gaadhay doorashooyinka dimuqraadiga ah, waxana dalka ka dhacday doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay majeerteen goobjoogeyaashii caalamiga ahaa oo ku tilmaamay doorashooyinka Somaliland qaar hufan oo waafaqsan nidaamka doorashooyinka ee dalalka horumaray.