Drs. Edna Aadan oo u Jawaabtay Hadal ka soo Yeedhay Dhigeeda Soomaaliya
Hargeysa(Qaran news)-Ergeyga gaarka ah ee Wada-hadalada Somaliland Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa si kulul u cambaareysey Faallada uu ka bixiyey Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan waddahadalada heshiiskii ay Adis Ababa ku saxeexeen shalay Madaxweynaha JSL iyo Raysalwasaaraha Dawladda federaalka Ethiopia Abiy Ahmed.