Erdogan oo loo dhigey munaasibaddii ugu meeqaamka saraysey ee Madaxweyne Turki ahi xilka kula wareego.

iyada oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin ka socday 81 waddan oo caalamka ah [ Somali🇸🇴 ay ku jirto].
“Qarnigii Turkiga ayaa bilowday, waxaana la furay albaabada kobaca dalkeena” – Ayuu yidhi Erdogan oo sheegay in uusan ilaawi doonin taageerada baaxada leh ee doorashadii uu ku soo baxay dadweynaha ay u muujiyeen 28-dii bishan May.
“Waxaan qaabili doonnaa dhammaan 85 milyan oo qof (dalka), iyadoon loo eegayn aragtidooda siyaasadeed, asalkooda, ama kooxahooda,” ayuu Erdogan ballan qaaday. Wuxuu sheegay in 85 milyan oo muwaadiniin ah ay u baahan yihiin in la isku daro,maadaama waddanku u baahan yahay midnimo iyo wadajir hadda in ka badan sidii hore.
“Sida aan wadnay 21-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan rajaynaynaa in aanu mid mid u fulin doono balan qaadyadeena,” ayuu yidhi, isaga oo ka hadlayay doorashadii November 2002, ee xisbigiisa AK ku qabsaday xafiiska.
“Waxaan sii wadi doonaa horumarinta dalkeena iyadoo la adeegsanayo maalgashiga, shaqo abuurka, wax soo saarka iyo dhoofinta, waxaa naga go’an inaan dhaqan gelino mabda’a Ghazi Mustafa Kemal (Ataturk) ee ah ‘Nabadda guriga, Nabadda adduunka.”
Erdogan ayaa sidoo kale wacad ku maray in uu si daacadnimo leh uga shaqayn doono shanta sano ee soo socota si loo maamuuso Turkiga.
“Waxaan balan qaadaynaa in aan ku dadaalno sidii aan u ilaalin lahayn sharafta iyo karaamada Jamhuuriyadda Turkiga, korna loogu qaadi lahaa sumcadeeda, iyo in aan magaceeda ku weyneyno caalamka muddo shan sano ah” ayuu sii raaciyay.
Inta uu ku jiray hadal jeedinta, waxaa dhiciisa taagnaa hoggaamiyaasha diimaha iyo xubno ka mid ah qoyskiisa.
Wuxuu sheegay inuu magacaabi doona Golaha wasiirrada, iyadoo uu goobta ka sheegay shirka u horreeya ee Golaha wasiirrada inuu guddoomin doono maalinta Talaadada.
Geesta kalena Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan
May be an image of 8 people