Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia u qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa caawa kulan wadatashi iyo Af-fur ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolaha Shacabka ee Soomaaliland.
Kulankan oo ay soo xaadireyn inta badan xuldhibaanada BJFS ee kasoo jeeda Soomaaliland ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cadi Xaashi Cabdullahi iyo Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac.
Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled oo ugu horeeyn ka hadlay goobta ayaa uga warbixiyay Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Dowlada ee goobjooga ahaa Shaqooyinka culus ee Horyaalka xafiiskiisa iyo sida aan looga maarmin taladooda ku aadan ka gun-gaarista xal u helida Arrimaha Soomaaliland.
Qaar Ka mid Xildhibaanada joobta joogay, Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aad u soo dhaweyay howlaha dardarta leh ee Ergeyga, waxaan ay u ballanqaaday dhammaantood in ay si dhow ula shaqeyn doonaan, ayana ku garab istaagayaan dhabbo kasta oo lagu xaqiijinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed.
May be an image of 10 people, people sitting, people standing and indoor