Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kullan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha SOMALIYA Catriona Laing, kullanka ayaa diirada lagu saaray Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND iyo Safarkii ay Wakiilku ku tagtay dhawaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Ergayga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, kuna heshiin karaan iyo Safarkii Hayaanka Midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn Ergayga iyo wafdi uu hoggaaminayo Magaalada BAYDHABO, halkaas oo ay kullamo wadatashi ah kula soo qaateyn Madaxda iyo Bulshada Dowladda KGS.

Wakiilka ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, iyo kullamada Wadatashiga ah ee uu Xafiiska Ergayga ka billaabay Dowladd Goboleedyada Dalka, waxaana Wakiilka warbixin ay ka siisay kulamadii ay la yeelatay masuuliinta reer Somaliland, waxaana ay muujisay sida ay diyaar ugu ahaayen dib u bilowga wadahadalada iyo dardargalintooda intab.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa maalmihii la soo ay kulamo wadatashi ah oo ku saabsan habka loo marayo wada-hadallada Somalilad