
Wakiilka Midowga Yurub (EU) u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, Marwo Ambassador Annette Weber ayaa maanta booqasho ku timid Somaliland .
Waa markii u horaysay ee Somaliland uu yimaado wafti culayskaasi leh oo ka socda midowga Yurub.
Annette Weber ayaa maanta kulan balaadhan la yeeltay madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi Iirro, kulankaasi ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan oobis fahan ah.

Annette Weber iyo waftiga ay hogaaminaysay ayaa booqasho ku tagay magaalada Barbera ee xarunta gibolka Saaxil iyada oo ay waftigu booqdeen dekada Berbera oo hada ka mid ah dekadaha ugu balaadhan uguna shaqada wanaagsan gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaarada Afrika.
Dhanka kalena Annette Weber ayaa qoraal ay ku baahisay barta X- Waxa ay xustay in ay kulan midho dhalay la yeeelatay madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi Iirro iyo madaxdii kale ay la kulantayba iyada oo ay sheegtay in ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida Geeska Afrika, amniga badda ee Badda Cas iyo sidoo kale is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka oo faa’iido u leh dhammaan, waxan ay sheegtay kulankii madaxweynaha Somaliland kadib in ay sii wadatay socdaalkeedii isla markaasna ay booqatay magaalada Berbera taasi oo qayb ka ah socdaalkii ay ku maraysay gobolka.






