Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in toddobaadkan ay dagaallo culus oo hub xooggan la adeegsaday ay dhex mareen ciidamada difaaca Itoobiya iyo kuwa Tigrayga, aagagga ku teedsan xuduudda Eritrea. Waxay sheegeen in dadka deggan agagaarka xuduudda laga daadgureeyay.

Dadka ku nool magaalooyinka Sheraro, Adi Hagera iyo Biara ee gobolka Tigray ayaa sheegay in dagaalladii billowday Talaadadii iyo Arbacadii ay ku fideen dhulka miyiga ah.

Laba qof oo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka loo adeegsaday madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku socday saacado badan, laga bilaabo 3-dii subaxnimo ilaa 8-dii fiidnimo, taasoo cabsi gelisay haweenka uurka leh iyo carruurta.

Qof kale ayaa sheegay in Khamiistii madaafiic lagu garaacayay jihada Badme, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Tigrayga.

Dad kale oo ka barakacay deegaanka Adi Kilte ayaa BBC-da u sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo isugu jiray iska horimaadyo toos ah iyo rasaas laga ridayay qoryo culus.

Dadka la hadlay BBC-da waxay sheegeen in dagaalku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigrayga, isla markaana aysan halkaas joogin ciidamo Eritrean ah.