Faahfaahinta Kulankii H/jeclo iyo Muuse ee Burco: Socod Wadkii Galay Dheh!
Mooyi wax u ka doonay, waa se kii xagaas iyo Bariga u dhaqaaqay Mujaahid Muuse, iyada oo labadii nin e Soomaali u gu talada xumaa na la socdaan – Sulub iyo Kaahin. Talo xumaalayaal badan baa la socday, Labadaas baa se u gu darnaa. Berbera la ga bilaabo, ilaa Caynaba oo uu caawa joogo, safarkaasi maad iyo yaab wax aan ahayn ma soo kordhin. Xataa waxa la arkay Caynaba oo baabuur sameecado la gu rakibay dadkii la gu baryaayo in ay u soo baxaan – qofkii soo dhaweynta u soo bixi waayaa waa huwan – ayuu nin samecad ka qaylinayaa yidhi! Muuse oo Qoyta ka yidhi dadkan uu Kaahin kolba meel u daadguraynaayo xagee ku wadaa ayaynu u soo joognay – Intii Kulmiye ay hoos u dhigaayeen buu kor u qaaday. Caawa na Caynaba ayuu joogaa, waxaana la xaqiijiyay in dagaal gacan-ka hadal ahi dhex maray kooxdii isaga la socotay iyo dadkii magaalada qaarkood.
Al muhim, Burco oo aan helnay faahfaahinta kulankii u gu muhiimsanaa aynu dul istaagno. Xaaji Muuse in H/jeclo uu la kulmo ayuu dalbaday, laakiin Gudiga Guud ee beesha iyo Gudiga Salaadiintu ba waa diideen in ay arkaan. Ka dib, waxa arkay odayaal cuqaal u badan, waana la is ku bir jabay. “H/jeclooy wax baa idiin guntan, aniga na wax baa ii guntan, waanan garramaynaa” caawa.” Sidaas buu warkiisa ku furay Xaaji Muuse. “Waddankan idinka ayaa qarribay, wax aydaan ka xumayn na SL ka ma xumaan”, buu yidhi. Isaga oo sii wada, waxa uu yidhi – H/jeclooy into aad iska adhyo-qalateen, oo guddiyo is ka samaysateen, baad go’aamo qarriban is ka soo sarteen. Waddanka iyo shuruucdiisii baad ku tumateen, doorashadii ururada na waad qasteen, oo wax isa saar la gu magacaabo ayaad keenteen. Sidaas darteed, maanta dalkaas idinka ayaa sida uu yahay ka dhigay.
Halkaas markii uu marinaayay, ayuu Xaaji Muuse gees kale u jeedsaday, iyo gobol kaloo hoogay. Isagoo galgalad kale, la hadlaaya gudigii, wuxu yidhi gudoonshuhu – dagaalkii wixii dhacay waynu ognahay, waxaanan u baahanahay in aan dib u laba kaclayno, oo nimankii sanka jebino. Halkaas markii uu marinayay, sida uu goobjooguhu soo sheegay, shirkii waxa ka baxay dhamaan cuqaashii H/jeclo Bari, amaba Muuse Abokor gaar ahaan. Isaga oo hadlaaya ayaay kaakaceen. Dabcan waxaasi wax la ga kaco iyo wax la ga xanaaqo ba waa ahaa. Waa hagajaiyeen haddii aanay odhan ‘wejigaa gubay’, oo aanay caagado biyo ah ku tuurin, sidii isaguba uu samayn jiray. Waxba ku ma tuurin, wax na ma odhan ee gobanimo ayay sameeyeen, keliya waa is ka ga dareereen uun.
Markii hadalkii ka soo wareegay, beeshii waxa u hadlay nin aftahan ah oo la gu magacaabo Maxamed Nugaal. Ninkaasi waxba u ma dhimin, wax na ma dhaafin. Muusoow dee odayga waad badbaadiseen, oo ku guntateen baanu is lahayn markii aanu khilaafaadkii aad adigu abuurtay, ee waddanka gilgilay, ee jabhaduhu ka dilaaceen soo xalinay, waa se garaadkaa hadii ay sidaas ku la tahay. Mahadnaq baanu sugaynay ee tanba yaa u fadhiyay buu yidhi. Hadana wuu is rogay, waxaanu yidhi laakiin abaal ka dhaca waa ku gu baranay oo hadda wax na gu cusub ma aha. Waxa ay ahayd nimankii buurta joogay in aanu isu kiin dayno, madaxtooyada ha kuu gu yimaadaane. Caawa ba halkan maad na hor fadhideen, oo sidaas noo la ma hadasheen.
Geesta kale, H/jeclo saddex qodob ayay kuu haysaa – 1. In aad maleesiyaadkii reerka ee aanu ururinay dagaalkii ka dib, si ay deegamada u difaacaan, aad dhaqaalihii la gu taakulayn lahaa ee baarlamaanku ansixiyay soo diiday. 2. In aad ninkii ina Kaahin, ee Silaanyo ba beryaha qaar nagaga cuslaa, dhulka dhigtay oo micno tirtay; oo aad musharaxnimadii iyo xisbigii isugu dari weyday ninkii abidkii ku daba taagnaa. Halkaas markii la maraayay, ayuu Maxamed Kaahin xanaaqay, oo shirkii ka baxay. Odayaashii Muse Abokor waxa raacay Kaahin oo gaarkiisa u baxay. Isaga ayaaba loo hadlaayay, oo Muuse loo cananaanaayay ee ma ahayn in uu cararo. H/jeclo iyo inta warka haysaa ba taas waa la yaabtay. Ina Nugaal aakhirkii waxa uu yidhi, Muusoow maanta wax aan doorashadii oo aad qabato ahayn la gaa ma rabo. Anaka ayaa wixii na ga xumaaday oo dhan hagaajisanayna, SL na maanta aad ayay u ga liidataa 7 sano hortood sidii ay ahayd, oo adiguba waad ogtahay, keliya doorasho uun ha loo dareero ee adna fududee.
Intaas ka dib, Maxamed Nugaal waxa warkii u ga dambeeyay cuqaasha reerka Axmed Faarax Cabdulle midkood, oo ahna Gudoomiyaha gudiga reerkaas, waa Caaqil Maxamed Cabdi Yaasiin. Waxa uu yidhi – Muusoow warkii waa la guu dhameeyay, inta ninkaasi yidhi na ma aha Maxamed Sanaag oo ku la hadlay, waa H/jeclo oo ku la hadashay ee sidaas u qaado, waxaanan warka ku koobayaa in aanu maanta xal kale jirin, oo aan doorasho ka ahayni. Muuse waxa loo daray musig cod wacan, waanu ka helay. Waxa uu yidhi – nimanyahow warkiina waa dhegaystay ee inna kala kaxeeya, sidaas baanu warkii ku soo gaabiyay. Waxa la soo xaqiijiyay in uu diiday in uu bixiyo kharashyadii loo galay soo dhaweyntiisa – Burcooy aniga baystayn I ga bixi maayo ee nabadgalyo ayuu si ficil ah u yidhi.
Burco waxa ay ku tidhi:
• Waadigan se liitee,
• Leexadu ku sidatee,
• Hadba laan cuskanayee,
• Liibaanteed aduunyada,
• Ninna laasan maayee,
• Maxaa luray naftaadii?
Maxamed Haaruun Biixi