Waxa soo baxaya sida Loo musuq maasuqay
Deeqdii waxbarashada ee dawlada Itoobiya siisay Somaliland
Deeq waxbarasho oo dhan 65 Ardey oo Master ah Somaliland ka heshey dalka Ethiopia, loona qeybiyey jaamacadaha kala duwan ee Ethiopia.
20 Ardey oo ka mid ardeydaas jaamacadihii lagu qorey ayaa Safaarada Somaliland ee Ethiopia Iyo Komishanka Tacliintu ku bedaleen 15 oo aan soo marin dariiqa saxda ahaa ee lagu kala xulayey Ardeyda.
Ardeydaas ee la dulmey ayaa ilaa hada ku daadsan Addis, iyaga oo aan Waxbarashadii ay u soo baxeen helin kharashkooda isku qaba muddo Ka badan 22Maalmood.
Su’aashu waxay tahay
Deeqda Waxbarasho (scholarship) 15 qof ah ee Safaaradda Somaliland Dalka Itoobiya gudbisay sidee loo qoray? halkee laga qoray? habkee loo maray? miyaa loo tartamay mise waa la qaybsaday ? Deeqaha Waxbarasho yaa ka masuula ah? Ha’yaddee xaq u le in Ardayda ay tartansiiso ? Shuruuddi Deeqda Waxbrashada lagu xidhay Ardayda derajadooda GPA-ga ka sarreeyo 3 yaa bedelay? Su’aalaha ummadda hawga jawaabo Masuulka Waxbarashada u qaabilsan Safarradda Somaliland ee Itoobiya (edication atteche)
No photo description available.