Fadeexad ku saabsan dowladda Qadar iyo Midowga Yurub oo shaaca laga qaaday

Baarlamaanka Midowga Yurub

Madaxweynaha Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ka digTay in “Dimuqraaddiyadda Yurub ay khatar ku jirto”, ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan in dowladda Qadar ay laaluush siisay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub si ay gacanta ugu dhigaan siyaasadda ururka.

Booliska Belgiam ayaa xabsiga dhigay afar qof oo ay ka mid tahay madaxweyne ku xigeenka Baarlamaanka Yurub, Eva Kaili, kuwaasoo lala xiriiriyay fadeexadda.

Afarta qof ee la xiray ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan in ay ku lug leeyihiin musuqmaasuq iyo lacago sharci darro ah oo la is daba mariyay.

Dowladda Qadar ayaa dhankeeda beenisay in ay wax khalad ah sameysay.

Baarayaal reer Belgium ah, ayaa Isniintii fatashay xafiisyada baarlamaanka Yurub ee magaalada Brussels, si ay u baaraan lacago laaluush ah oo la sheegay iney bixisay dowladda Qadar oo martigelineysa Koobka Adduunka.

Waxay ahayd goobtii 20-aad ee lagu sameeyo baaritaan tan iyo Jimcihii.

Madaxweynaha baarlamaanka Midowga Yurub, Roberta Metsola, ayaa u sheegtay xildhibaanada baarlamaanka Midowga Yurub in “dimoqraadiyadda weerar lagu hayo”.

Haweeneyda ku xigeenka u ah iyada ee la xiray, Eva Kaili, ayaa sidoo kale xubin ka tirsan baarlamaanka Giriigga.

Eva Kaili

Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ka doodi doonna fadeexadda, maanta oo Talaado ah.

Dacwad oogayaasha Belgium-ka ayaa sheegay in lacag caddaan ah oo qiimaheedu dhan yahay €600,000 oo u dhiganta ($632,000; £515,000) laga helay guriga ruux la tuhunsan yahay. Sidoo kale €150,000 ayaa laga helay guriga xubin ka tirfsan baarlamaanka Midowga Yurub, halka dhowr boqol oo kun oo Yuuro oo shandad ku jirta laga helay qol uu leeyahay hotel ku yaalla magaalada Brussels. Waxaa kaloo la qabtay kombuyuutarro iyo taleefannada gacanta.

Baaritaanno ayaa ka dhacay magaalada Brussels iyo dalka Talyaaniga labadaba.

Tan iyo Jimcihii, agabka IT-ga ee toban shaqaalaha baarlamaanka ah ayaa “la xayiray”, si loogga hortago baabi’inta xogta lagama maarmaanka u ah baaritaanka.

Afarta tuhmane oo ay xireen booliiska dalka Belgium-ka ah ayaa lagu soo oogay dacwado kala ah “inay qayb ka noqdeen urur dambiilayaal ah, inay lacago ku heleen nidaam sharci darro ah iyo musuqmaasuq” sida ay dacwad oogayaasha ku sheegeen hadal ay soo saareen maanta oo Talaado ah. Dhammaan eedeysaneyaasha ayaa Arbacada kasoo hor muuqan doona Maxkamad.

Ms Kaili – oo ahayd xubin katirsan baarlamaanka Midowga Yurub, siddeeddii sano ee lasoo dhaafay ayaa laga joojiyay shaqadeeda, iyada oo ah mid kamid ah 14-ka ku-xigeen ee baarlamaanka Midowga Yurub oo ay madaxda ka tahay Metsola.

Waxaa sidoo kale laga joojiyay xubinimadii baarlamaanka ee xisbigii ay ka tirsaneyd, waxaana laga saaray xisbiga bidix dhexe ee Giriiga ee Pasok.

Maamulka Giriiga ayaa xayiray hantida ay leeyihiin Kaili, ninkeeda iyo xubnaha qoyskeeda.

“Waxay caddaynaysaa in aanay wax dambi ah lahayn, isla markaana aanay wax lug ah ku lahayn laaluushka Qatar,” mid kamid ah qareennada qoyskeeda, Michalis Dimitrakopoulos, ayaa sidaas u sheegay telefishin fadhigiisu yahay Giriigga.

Qadar iyo Midowga Yurub

Lix qof ayaa la xiray Jimcihii, taasoo qayb ka ahayd baaritaanka eedeymaha ah in Qadar ay laaluush siisay saraakiisha Midowga Yurub, si ay saameyn ugu yeeshaan. Laba ka mid ah dadkii la xiray ayaa la sii daayay.

Ma jiro qof la tuhunsan yahay oo si guud loo magacaabay, balse Kaili ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay dadka la soo eedeeyay.

Saddexda eedaysane ee kale, ayaa dhamaantood haysta dhalasho Talyaani ah.

Tuhmanayaasha ayaa waxaa ka mid ah, Pier Antonio Panzeri, oo horay u ahaan jiray xildhibaan ka tirsanaan jiray baarlamaanka Midowga Yurub, kaasoo hadda maamula kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Fight Impunity, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. Xaaskiisa iyo gabadhiisa, ayaa la sheegay in sidoo kale la xiray.

Tuhmanaha kale waa, Luca Visentini, oo ah xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha caalamiga ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Weriyaha BBC-da ee Brussels, Jessica Parker, ayaa sheegtay in tafaasiisha ay soo saareen booliska Belgium-ka maalmihii lasoo dhaafay ay dad badan ku keentay waji gabax, taasoo dhaawacday sumcaddii ururka Midowga Yurub.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa isugu imaanaya magaalada Strasbourg si ay dood degdeg ah uga yeeshaan fadeexada soo shaac baxday.

Xildhibaanno la hadlay wariyaheenna ayaa sheegaya in ay aad uga naxeen eedeymaha lasoo gudbiyey inta ay la’eg yihiin iyo sida cad ee loogu soo gudbiyey.

‘Dimuqraadiyaddii Yurub oo turun turootay’

Ursula von der Leyen

Madaxa guddiga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in eedeymaha lasoo jeediyey ay yihiin kuwo “aad u daran,” waxayna dalbatay in la sameeyo hay’ad anshaxeed oo cusub oo kormeerta ururka.

Metsola ayaa waxay wacad ugu martay xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub in sharafta baarlamaanka la soo celin doono.

“Dimuqraadiyada Yurub waa lasoo weeraray, bulshooyinkeenna xorta ah ee dimuqraaddiga ahna weerar baa soo wajahay,” ayay tiri.

Ilaalada iyo xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in baaritaanka laaluushka uu ka dhigan yahay mid ka mid ah fadeexooyinkii musuqmaasuq ee ugu weynaa ee soo wajaha taariikhda baarlamaanka Midowga Yurub.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in waddan ka tirsan Khaliijka uu muddo dhowr bilood ah saameyn ku lahaa go’aanada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee baarlamaanka, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo kaaliyeyaasha.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa magac dhabay dowladda Qatar, in kasta oo Qatar ay sheegtay in sheegashada dhaqan-xumada ay tahay “wax si xun loo sheegay”.

Mas’uuliyadaha Kaili oo ah ku xigeenka madaxa baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa waxaa ka mid ah Bariga Dhexe. Waxay horay u ahayd qof aad u difaaca Qadar.

Baarlamaanka Yurub waa hay’adda kaliya ee sida tooska ah loo soo doortay ee Midowga Yurub. Ilaa 705 xubnood oo baarlamaanka ah oo ay doorteen cod-bixiyeyaal ku kala sugan 27-ka waddan ee uu ka kooban yahay Midowga Yurub ayaa kulmaya si ay dib ugu eegaan sharciyada lasoo jeediyay oo ay ugu codeeyaan sharciga Yurub.