Fadhigii 41-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 41-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

๐Ÿ) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi.

Wasiirku waxa uu Golaha si kooban ugaga xog warramay hab-sami-u-socodka ururinta Cashuuraha guud ee dalka iyo kaalinta ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in Odoroska Dakhliga Qaranka ee 2025-ka uu u socdo sidii loogu talo galay.

Wasiirku waxa uu xusay in korodhka dakhliga gudaha uu astaan u yahay horumarka dhaqaalaha iyo aaminaada awooda dhaqaale ee JSL, isla markaana ay arrintani ay door weyn ka qaadanayso tayaynta iyo maalgelinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay si wacan u socdaan Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka, iyada oo Wasaaraddu ay la kulantay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Qaranka.

๐Ÿ) ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š;

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Abaaraha daba dheeraaday ay haatan aad u saameeyeen qaybo badan oo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo halis weyn ku haya nolosha dadka iyo xoolaha. Gobollada ay abaaruhu aad u saameeyeen waxa ka mid ah Sanaag, Togdheer, Saraar iyo Saaxil, kuwaasi oo sababay biyo iyo cunto laโ€™aan baahsan, dhimashada Xoolaha aad u sarraysa, iyo barakac ballaadhan oo qoysas badan ku qasbay in ay ka hayaamaan deegaanadoodii.

Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in ay abaaruhu si weyn u wiiqeen nidaamka waxbarashada, maadaama carruur badani aanay dugsiyada tagi karin sababo la xidhiidha hayaanka abaaraha, cunto laโ€™aan, iyo biyo laโ€™aanta ka jirta Xarumaha waxbarashada.

Saamaynta ugu weyn ee abaaruhu ay ku yeesheen Waxbarashada waxa ka mid ah.

1. Biyo laโ€™aan ka jirta iskuullada iyo goobihii Waxbarashada,
2. Ardayda ka maqnaata fasallada oo aad u sarraysa;
3. Iskuullo badan oo xidhmay;
4. Hoos u dhac weyn oo ku yimid saacadaha waxbarashada.

Wasiirku waxa uu xusay tirada Iskuullada iyo Ardayda ay abaaruhu si toos ah u saameeyeen, kuwaasi oo ah 410 Iskuul iyo arday ku dhow 14,000 oo arday.

๐Ÿ‘) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐’๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ˆ๐๐š๐š๐œ๐š๐๐๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirku waxa uu ka war bixiyey marxaladaha kala duwan ee uu soo maray dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda magaalada Hargeysa ee uu dabku burburiyey bishii February, 2025-ka. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha uga xog warramay Caqabadihii Guddi ahaan ka hor yimid, qaabka ay u xalliyeen iyo mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Idaacaddu halka uu haatan marayo.

Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu si qoto dheer u sharraxay in dhismaha cusub ee Suuqa Idaacaddu uu noqon doono suuq casri ah oo leh adeegyo dhamaystiran, nidaam amni, biyo gelin iyo adeegyo nadaafadeed oo waafaqsan qorshaha Caasimadda Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in mashruucu uu wax weyn ka tari doono koboca ganacsiga magaalada Hargeysa, isla markaana uu shaqo-abuur iyo fursado dhaqaale u horseedi doono ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe ee halkaasi ku ganacsan doona.

๐Ÿ’) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ค๐š๐๐š ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab).

Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada la socodsiiyey in Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta, maamulka hufan iyo nidaaminta hantida gaadiidka Qaranka, ay dejisay Siyaasad iyo Habraac rasmi ah oo lagu hagi doono Sugidda iyo Tirtirka Taarikada Gaadiidka Dawladda, kuwa shaqada ku jira iyo kuwa hawlgabka noqdayba.

Wasiirku waxa uu sheegay in Habraacani ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo in dhammaan Gaadiidka Dawladdu si sharci ah loo diiwaangeliyo, loo isticmaalo si masuuliyad leh, isla markaana Taarikada Gaadiidka aan shaqaynin si buuxda looga tirtiro nidaamka Qaranka.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Siyaasadani ay qayb ka tahay dedaallada Xukuumadda Somaliland ee lagu xaqiijinayo daah-furnaanta, isla xisaabtan, iyo ilaalinta hantida guud ee Qaranka, iyada oo la hubinayo in Gaadiidka Dawladda si hufan, nidaamsan, oo masuuliyad leh loo isticmaalo.

๐Ÿ“) ๐๐š๐›๐ฒ๐จ-๐ช๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š (๐’๐ก๐ข๐ง๐ง๐ข๐๐š) ๐๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š, ๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐:

Waxa wadajir uga war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed Faarax.

Wasiirku waxa uu Golaha u sharraxay faaโ€™iidooyinka badan ee uu Xeerkan Abuurka Beeruhu u leeyahay Qaranka JSL. Wasiirku waxa uu si gaar ah u dul istaagtay in Xeerkani:

1. Uu xaqiijinayo nidaaminta iyo joogteynta horumarka abuurka iyo abqaal dhireedyada;

2. In uu hagayo barnaamij qorshaysan oo ku saabsan ururinta abuurka waddaniga ah, ilaalinta hidde-sidaha abuurka;

3. Nidaaminta abuurka waddanka soo gelaya,

4. Hubinta tayada iyo daba-galka macluumaadka ku qoran abuurka dalka soo gelaya ee ka imanaya dibedda;

Gabagabadii, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ay leedahay dhammaan awoodaha iyo masuuliyadaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta, maamulka, iyo kormeerka arrimaha la xidhiidha horumarinta, wax soo saarka, kaydinta, ilaalinta iyo qaybinta Abuurka iyo Abqaalka dhirta Jamhuuriyadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐