Fadhigii 67-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 67-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ) ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha siiyey warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kastaba.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu Golaha Wasiirrada ku wargeliyey in Wasaaradda Arrimaha Guduhu (iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Xukuumadda ee ay khusayso), ay waddo kormeer iyo xaqiijin lagu hubinayo xaaladda dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka jooga (kuwo sharci ku jooga, kuwo sharci-darro ku jooga iyo kuwo magangelyo Qoxootinnimo ama mid biniโ€™aadannimo ku joogaba), si waafaqsan Xeerarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Heshiisyada Caalamiga ah ee khuseeya arrintan.

๐Ÿ) ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐ฃ๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐š๐Ÿ๐ค๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali-Cantar) iyo Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada si faahfaahsan ugu soo bandhigay muhiimadda iyo faaโ€™iidada ay Qaranka u leeyihiin Qabyo-qoraalka Xeerka Maxjarrada Dalka iyo Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha. Waxa ay tilmaameen in labadan hindise ay laf-dhabar u yihiin horumarinta caafimaadka Xoolaha, tayeynta iyo joogtaynta dhoofka xoolaha nool, sugidda calafka Xoolaha, gaar ahaan xilliyada abaaraha, iyo xoojinta dhaqaalaha Qaranka, maadaama ay Xooluhu yihiin Tiirka koowaad ee dhaqaalaha dalka.

Sida oo kale, Wasiir-ku-xigeenka iyo Garyaqaanku waxa ay Golaha ku boorriyeen in ay si qoto dheer u soo akhriyaan Qabyo-qoraallada, si uu Goluhu u ansixiyo fadhiyada dambe.

๐Ÿ‘) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ซ๐ž๐ฌ๐ข๐๐ž๐ง๐ญ๐ข๐š๐ฅ ๐ƒ๐ž๐ฅ๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฒ ๐”๐ง๐ข๐ญ:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey hab-sami-u-socodka hawlaha Xafiiska Presidential Delivery Unit (PDU), isaga oo iftiimiyey doorka Xafiisku uu ku leeyahay dar-dargelinta iyo fulinta arrimaha mudnaanta leh (sida: Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Dibedda, Dawlad-wanaagga iyo Arrimaha Bulshada) iyo ballanqaadyada Madaxweynaha iyo Xukuumadda, kor joogtaynta wax-qabadka Hay’adaha Xukuumadda, iyo kor u qaadidda iyo xaqiijinta arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL.

๐Ÿ’) ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐ฅ๐š ๐ก๐š๐๐š๐ฅ ๐—๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ ๐š๐š๐ ๐š:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin la xidhiidha furitaanka Barnaamijka “la hadal Xisbigaaga”, isaga oo xusay in ujeeddada Barnaamijkani ay tahay xoojinta wada-shaqaynta iyo xidhiidhka u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbal-Xaakimka. Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Masuuliyiinta Golaha Wasiirradu ay si toos ah ugu xidhmaan Xisbiga talada haya, si loo xoojiyo wada-xidhiidhka, ka war haynta bulshada, isla-xisaabtanka iyo is-waafajinta hawlaha Xukuumadda iyo himilooyinka iyo barnaamijyada Siyaasiga ah ee uu leeyahay Xisbiga talada dalka haya ee WADDANI.

๐Ÿ“) ๐†๐ฎ๐ง๐š๐š๐ง๐š๐๐ค๐ข๐ข ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ”๐Ÿ•-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐‰๐’๐‹:

Gabagabadii Fadhiga 67-aad ee Golaha Wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha Wasiirrada faray in la dardar-geliyo lana joogteeyo Shirarka iyo fadhiyada Guddi-hoosaadyada Golaha Wasiirrada si loo xoojiyo wada-shaqaynta Hay’adaha Qaranka, loona dedejiyo fulinta go’aannada iyo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha faray in si joogto ah loo diyaariyo warbixinno la xidhiidha hawlaha iyo waajibaadka loo igmaday Guddi-hoosaadyada.