Fadhigii Golaha Guurtidda oo u Baaqday Kooram La’aan
Hargeysa(Qaran news)- Fadhigii Golaha Guurtidda ee saaka ayaa baaqday kadib markii kooramka fadhigu u buuxsami waayay.
Kooramka Goluhu wuxuu ku furmaa 42 Xildhibaan oo ah kala badh mudaneyaasha Golaha.
Guddoomiyaha Guurtidda Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in lacagta gunada ah laga jaro xildhibaan kasta oo segsaaga fadhiyada golaha.
Kalfadhiga 83aad ee Golaha Guurtidda waxa horyaala ajande xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xeerka doorashooyinka.