Waxa soo baxaaya warar sheegaaya in warqadii uu dhawaan Xasan Sheekh u diray dawladda Maraykanka ee fashilantay ay fikardii warqadaasi xanbaarsanay iyo arinkeedaba uu ka danbeeyay madaxweynaha Djibouti si loogu wiiqo dhaq dhaqaaqa aqoonsi ee dawladda Maraykanku ay doonayso in ay ku aqoonsato Somaliland taasi oo bedelkeeda in dawladda Maraykanka loo ogolaado in uu Maraykanku uu Berbera kaga duulo Xuutiyiinta xaga uu diiday in dalka Jabuuti lagaga duulo, arinkaasi oo uu eedaymo badan kala kulmay.
Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin kulanka Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geele hase ahaatee warar ayaa sheegaaya in Ismaciill Cumar Geele uu doonaayo ama uu wado in Somaliland iyo Somaliyaba lagaga duulo Xuutiyiinta oo uu dagaalka uu qayb ka noqdo si loo diciifiuo aqoonsiga Somaliland.
Sidii ku qornayd warqadii fashilantay. Hadaba qoraal uu faafiyay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimahii hore ee hore sirdoonka Somalia ayaa kulankaasi Ismaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh ka soo saaray qoraal dayro ah waxana uu ka digay in aanu Xasan Shekh yeelin qordhaha Ismaciil Cumar Geelle ee la galinaayo dagaalka.
Waxana uu qoraalkiisu u dhignàa sidani
Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa soo saaray qoraal ku socda kulanka Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti ku kulmay, wuxuuna qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “FADLAN EEDDA IGA DULQAAD.”
Fahad ayaa qoraalkan ku soo bandhigay shaki uu ka qabo in kulanka labada Madaxweyne looga hadlayo arrin halis ah oo uusan shaacin waxa ay tahay.
“Dowladaha xorta ah ee madaxa bannaan, marnaba ma aqbalaan in dalkooda loo adeegsado hardan dagaal oo aysan qayb ka ahayn.”
Agaasimihii hore ee NISA ayaa digniin u diray madaxda qaranka, isagoo ka codsaday in Jabuuti aysan ka aqbalin waxa ay waddo.
“Madaxda qaranka waxaan uga digaynaa iney ogolaadaan codsiga Dowladda Jabuuti ee ku dhisan culayska iga dulqaad, oo adiga eedda qaado,” ayuu yiri.
Qoraalka Fahad ayaa intaas ku sii daray, “Fariintan waxaa fahmaya Madaxda Qaranka, haddiise la fuliyo codsigaas (Alle kama dhigee) ummadda Soomaaliyeed kolkaas bey wada fahmi doonaan waxaan ka hadlayo, mana doonayo inaan kasii hordhaco, anigoo rajo ka qaba inuu caqligu shaqeeyo.”
Fahad Yaasiin ma shaacin waxa ay tahay khatarta uu ka muujiyey codsi uu sheegay in Jabuuti ay waddo oo loo soo bandhigayo Xasan Sheekh, madaxweynaha ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku tegay Jabuuti, halkaas oo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle uu kula kulmay.