Shalay waxa social media ha iyo saxaafadda kale ba la gu arkay gabadh la gu magacaabo Sahra Ismaaciil Haaruun, oo niman ay ka afduubteen gurigeeda banaankiisa oo Hargeysa ah. Shalmadeeda ayay madaxa ka ga duubeen si aanay u garan Meesha ay u wadaan, markii ay meel gaar ah la tageen na, waa ay garaaceen kuwii kaxaystay iyo kuwo kale oo ay u la tageen, oo rag iyo haween ba isugu jira. Xukuumadda ayaad wax ka sheegtay ayay ku yidhaahdeen oo Facebook account keeda fariin ku qoran soo hor dhigeen.
Marka la ga yimaaddo in ay gabadhu ka mid tahay masuuliyiinta xisbiga Waddani, oo weliba garabka haweenka ay afkooda ku hadasho, hadana xataa qof aan xisbi ba ahayn oo shicib ah ayaa dhaliil iyo maagid ba qori kara, amma sheegi kara, waa se markee? Dabcan waa marka la miyir qabo, nidaamka Somaliland namiyirqab iyo caqli waah ore ayay ka la dhaqaaqeen. Magaalada Hargeysa, oo weliba u badan xaafadda Waqooyiga iyo Galbeedka magaalada, todobaad kasta waxa aynu nmaqalnaa dad shicib ah oo wiil yar oo badraan ah, oo Muuse Biixi uu dhalay uu ku dhibaateeyay. Mid la xidhay, mid la xabadeeyay, mid guri loo gu dhacay iwm.
Marka dawladnimo la ga hadlaayo, oo dabcan aan ahayn waxa SL ka socda, cidda cid ka cabanaysaa bilays ayay u tagtaa, ka dib na maxkamad ayay amuurtu u gudubtaa. Muuse iyo ciyaalkiisu intaas ma samayn kari waayin, laakiin sababo u diidaaya ayaa jira. Waxyaabaha ay dadka ku eryanayaan ayaan ahayn wax maxkamad la geyn karo oo la difaaci karo, sidaas darted, sharciga waa hore ayaa la is ka baal maray. Hadana waxa yaab leh, kaas sidaas u dhaqmaaya iyo kuwa taageersan ayaa inta u badan la ga maqlaa ‘qaranka’ iyo ‘qaranka’, taas oo ah uun ilmo yaxaas.
Is ku soo wada ururi, hadal gun buu leeyahay, biyo na meel godan ayay ku gororaan. Dhaqamada shuftonimada ah ee aan mar walba maqalno, ee falka Sahra la gu la kacay na u dambeeyay, keliya waxa ay soo dedejinayaan dumitaanka buulkii xumaa. Waa buulkii uraayay ee Muuse iyo ciyaalkiisa, waxaanay bogaga taariikhda ka gelayaan meel uraysa. Eeg hadda, afduub, iyo jidhdil, iyo khaarajin, iyo wax kasta oo xun hore ayaa loo soo sameeyay, waxaana hubaal ah in ay kuwii samaynaayay uuni taariikhda ka baxeen. Waa hubaa in kuwani ay buuxiyeen shuruudihii dulinimada iyo taariikh ka bixitaanka foolxumada leh, waxaanan se hubin in ay Somaliland na raacayso iyo in kale.
Waxaa Qoray:Maxamed Haaruun Biixi