Haweeneydan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu helay danbiga ah inay xaday lacag gaaraysa 28 milyan oo dollar oo ay ka xaday shirkadii ay u shaqaynaysay, waxaana lagu xukumay 50 sano oo xarig ah.

Hildegard Steenkamp ayaa lacagtaan xadaysay muddo 13 sano ah, iyada oo ka xaday shirkada ay xisaabiye u ahayd oo ka shaqaysa daryeelka caafimaadka oo ku talla gobolka Gauteng .

Steenkamp ayaa horay u qirtay 336 dambi oo qalinshubatayn ah.

Waxay ka soo hor muuqatay garsoore sheegay in aanu waligiis ka shaqayn kiis ku saabsan xatooyo lacag, oo hanti intaas la’eg ay ku maqantahay hal shaqsi.

Garsooraha maxkamada Phillip Venter ayaa muujiyey sida uu uga naxay falkan isagoo sheegay “in la fahmo in hal shaqaale uu lacag intaas la eg ka xaday shirkadii uu u shaqaynayay, waa wax aan maskaxdu qaadi karin” ayuu yiri garsooruhu.

Haweenayday ayaa sheegtay in arintaan ay ku xanbaartay inay samayso ka dib xadgudub ay kala kulantay ninkeedii oo dhintay kaas oo ku qasbay sida ay sheegtay inay falkaan gaysato, iyadoo difaac ka dhigatay qodobkan maxkamada horteeda. Balse Mr Venter ayaa ku khilaafay arintaan oo sheegay inay kaligeed samaysay ficilkaan.

Baarayaasha dambi baarista waxay ogaadeen in Steenkamp ay lacagta ku bixisay maalgelinta qaab nololeedkeeda quruxda badan ee khamaarka, alaabada dahabka ah iyo safarka.

Mid kamid ah lacagaha ay isticmaashay waxaa kamid ah $263,000 oo ay hal habeen ku ciyaarto khamaar.

Maxkamada ayaa sidoo kale dhageysatay in Steenkamp ay ku qarash garaysay ku dhawaad $1.6m safaradeeda caalamiga ah, ayna si joogta ah u booqatay Dubai.

Waxay ka shaqaynaysay shirkadda intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2017 kii, ka hor inta aanay iska casilin.

Steenkamp waxa ay ku guulaysatay in ay sameyso arrintaan kadib markii la siiyay awood ay daymo u qaadi karto ama ka bixin karto shirkadda, sida uu sheegay booliiska Koonfur Afrika.

Waxay liiska ku dartay ninkeeda iyada oo ka dhigtay deyn-bixiye waxayna bilowday inay lacag ku shubto akoonkiisa.

Haweenaydan ayaa isku dhiibtay dawladda sanadkii 2018 kii, waxaana lagu siidaayay damiin. Ugu dambeyntii waxay qiratay dambiga horaantii sanadkan.

Sida ay qabaan dadka ka shaqeeya dhaqaalaha ee Koonfur Afrika, musuqmaasuqa, wax isbadaba marinta iyo xatooyada shaqaalaha ayaa aad ugu badan shirkadaha Koonfur Afrika.

lacag

Haweenaydan ayaa bilowday fal danbiyeedkan 12 sano ka hor iyadoo xaday lacag dhan 24,000 oo lacagta Koonfur Afrika ah bishii December sanadkii 2004-tii, ayna sii kordhisay in ka badan nus bilyan xatooyada ka hor inta aan la soo xirin sanadkii 2017-kii

Baaxadda xatooyada haweenayda ayaa ka yaabisay waddanka, laakiin dhaqaalyahanadu waxay qabaan in ay caadi tahay in shaqaaluhu ay wax ka xadaan loo shaqeeyaha.

Xatooyada iyo musuqmaasuqa ayaa ka dhaca dhammaan goobaha shaqada, oo ay ku jiraan xisaabaadka la bixinayo, maalgelinta, iyo soo iibsiga.

Steenkamp waxay kale oo la sheegay in ay abuurtay shirkad alaabada qaada oo been abuur ah oo leh magac la mid ah mid ka mid ah shirkadaha adeegaas bixiya ee hadda ka jira dalkaas.

Shirkadda ayaa ugu dambeyntii ogaatay dambiga iyada oo samaysay xisaab hubin iyo is barbar dhiga xisaabaadka bangiyada ay wax ka iibsadeen iyo kuwa haweeneydaan shaqaalaha u ahayd.

Powell wuxuu kula taliyay dhammaan shirkadaha inay qiimeeyaan khatartooda khayaanada oo ay sameeyaan jeegag firfircoon si loo ogaado shaqaalaha lacagta xaday.

Koonfur Afrika ayaa ah 72-ka waddan ee ugu musuqmaasuqa yar 180-ka waddan ee dunida, marka loo eego heerka musuqmaasuqa ee 2022 ay soo saartay Transparency International.

Heerka musuqmaasuqa ee Koonfur Afrika ayaa celcelis ahaan ahaa 54.19 laga bilaabo 1996 ilaa 2022, isagoo gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid ee 73.00 sanadkii 2018-dii .

Bbcsomali