Fannaanka Maxamed Siciid BK, oo hore u sheegay inuu fanka ka baxay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyay inuu fanka kusoo laabtay.
“5 sanno ka dib, diyaar baan ahay. Dhawaan waxaan sii baahin doonaa labadii heesood ee ugu horeeyey kadib soo laabashadayda fanka.” Ayuu ku yiri qoraalka.
Fannaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay “in aanu imika diyaar u ahayn inuu faahfaahin ka bixiyo ku soo laabashadiisa fanka, balse wuxuu xusay in uu arrintaas ka hadlayo bisha May 18-keeda.”
Balse wuxuu sheegay in heesuhu ay waddani yihiin, labo ka mid ahna 18 May ka hor la baahin doono.