
Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal ayaa geeriyooday, isagoo ka tegay taariikh iyo dhaxal faneed qiimo badan oo si weyn uga dhex muuqda suugaanta iyo fanka Soomaaliyeed.
Marxuumku waxa uu caan ku ahaa codkiisa macaan iyo heesihii uu bulshada ku reebay, kuwaas oo qalbiyada shacabka Soomaaliyeed ku lahaa xusuus gaar ah.
Geeridiisa ayaa murugo weyn ku abuurtay bahda fanka, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee jeclaa fankiisa.

Dhanka kale Fanaan/Abwaan Sir Maxamuud Cumar oo la hadlay shabakada qarannews.com ayaa sheegay in uu marxuumku ahaa rukun adag oo ka baxay fanka Solmaaliyeed, waxana uu aad uu ugu dhèeraaday shaqsiyadii wanaagsanayd ee Axmed Cali Cigaal oo uu sheegay in uu ahaa fanaan qaali ahaa oo aan la heli karin noocisa.
Waxa uu tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii marxuumka meel kasta oo ay jokgaan iyo dhamaan umadda ku hadasha afka Soomaaliga .
Dhamaan maamulka iyo hawl wadeenada shabkada qarannews.com waxa ay tacdu u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku





