FARIIN IYO SU’AAL ISA SAARAN. WAXAAD MAQASHEEN DOORASHO ISA SAARAN EH?
#Farqiga_u_dhaxeeya_Labadan_Musharax
Shacbka reer Somaliland. Laba isma saarna. Waxaad sanadkan #13NOV2024. Idinla gudboon. Inaad kala doorataan. Labadan muwaadin.
■ Madaxweyne Muuse weynu soo aragney. Hogaamintiisa. Waxeynu ka baraney. Madaxweyne ka dhaqan iyo dabeecadd duwan. Madaxdii ka horeysey dhamaantood. Waxu noqdey. Macangag. Hanti jecel.
Ragii iyo umadii Kulmiye soo dhistey. Dhamaantood ceydhiyey weliba siyaabo milgaha ka baxsan buu ula dhaqmey.
Waxu noqdey Madaxweyne inagu yidhi hantidii qaranka ayaan qaful saarey. Hadana ma heyno. Waxqabad muuqda oo uu maanta ku faani karo.
Mayor Abdikarim Ahmed Mooge 31 May 2021 la doortay ayaa ka waxqabad badan xukumadda joogta 7 sano.
Qodobka waxqabadka markeynu intaas kaga tagno. Ficiladiisu waxey noqdeen. Kala qeybin bulsho. Cidwalba oo ehlu karamka dalka ah. Ciduu qadariyaa kuma jirto.
● Culimadda
● Ganacsatadda
● Aqoonyahanka,
● Bahdda dhaqanka ee Saladiinta
● Guurtidda iyo Golaha Wakiiladda
● Dhalinyaradda, Haweenka
● Beelaha reer Somaliland.
Waxa raaca . Diplomasiyiinta Beesha Caalamka oo isu wadda sheegey hab-dhaqankiisa.
Mujtamaceeni. Bal yaa maanta. Muuse Bixi ka heysta. weynu is ognahee. (Granti) Hadii 5 sano danbe la doorto. Inuu dalkeena iyo dadkeena barwaaqo gaadhsiin doono. Dowladdnimo iyo midnimo iyo wadajir umadeed ino keenayo.
Jawaabtu Waa MAYA. Ninka HAA lehi ha soo baxo
Caqligiisa waxu aaminey, nin walba adaa ka adag. Maalinta doorashaddana lacag iyo awood hadaad heysato. Dadka sidda xoolaha soo xareysan dhamaaantood. Markey codka ku siiyana sidaadii band ALBAABKA ka xidhan
Kelmaddaha agtiisa ugu waaweyni waa Qabyaladd iyo kala qeybin bulsho. Waxa usoo intaas raaca xisbiga Waddani iyo mujtamaca tageersan.
Bulshadda waxaad ku tidhaahda. Waa cadowga gudaha iyo Somaliweyn. (Film) kaasna horaa loo daawaddey. Waan qorshaha qudha ee ka dhaadhacsan inuu dadkena ku kala qeybin karo.
Hadaba maanta Muuse 7 sano. Isago Mar labaad is sharaxaya ayuu dhamaan umadeeni
Cid wax u sheegta la wayay,
Cid la talisa laga wayay,
Ciduu ixtiraamo laga waayay,
Ciduu qadariyo laga waayay
Maxeynu muwaadin ku dooran karna 5 sano dambe? Jawaabtu waa xagiina.
Kelmadda difaaca qaranka.
Muuse dagaalku qaadey. Cid walba oo kala talisey wuu diidey. Cidankeenii wuu ku jabiyey. Waanu ku fashilmey. Taasi markey dhacdeyna qaranka isugumu yeedhin. Si looga tashaddo.
Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo Abdulkadir Haji Ismail Jirde iyagoo wadda socdey u tageen 25 August 2024.
Waxeyna ku yidhaahdeen. Waanu ku garab taaganahe qaranka isugu yeedh una sharax waxii dhacey. Dib ugumu yeedhin. Si eynu uga wadda tashano.
Waxu ku bedeley. Beelaha Somaliland ha is difaacan. Ciidamo Madaniya degaan walbow sameyso.
Waxu dib inoogu celiyey ciidan beeladdyo. Mee difaacii qaranku? Sow meynu noqon in beel walba dadku is gaadhsiiyey aan hub iibsano.
Mee Ciidankii Qaranka eynu 33 sano dhiseyney!!!!
Waxa ka sii daran. Markii #Reer_Qorilugud ku yidhaahdeen. Ciidanka SSB madaxweyne ama qaramee ama mushahar u qor. Waxu ugu jawaabey. Idinka inamadda iyo hubka sameystee isku filaadda.
Hadaba Muwadin. Waxa Madaxweyne Muuse aan marlbaad u dooran karno waa maxey?
■ Musharax Ciro. Waxaan ku soo koobaya. Waa musharax u baahan ineynu tijaabino. Dalkeena iyo dadkeenuna waa nin ey barteen. Inta muuse aanu qadarin ayaa agjoogta dhamaantood oo ka kooban bulshadeena oo dhan.
Waana nin aaneynu kibir iyo aflagaado (youtube) laga soo heleyn oo dadkiisa meeqam walba ey leeyahiin ixtiraama.
Bulshaduna waxaan filayaa si fiican wey u baratey. Dhaqankiisa iyo Xisbiga uu musharaxa ka yahey. Siduu u hogaamiyey. Umaduna u siman tahey dhamaanteed 6 Gobol ee Somaliland ka kooban tahey.
Waxan qabaa inuu mudan yahey sanadkan ineynu tijaabino uguna cumaamadno farteena maalinta #13NOV2024 si eynu u helno.
Hogaamiye umadeena la dareena. La talo ah. Umadena bari iyo galbeed isku waddi kara. Inagu hogaamin kara bulsho mideysan iyo dalkeena oo qiyamkiisii la soo celiyo. Dowladd wanaagsan iyo dhaqaale abuur la sameeyo. Dalkana laga saaro boorantu ku dhacey 7 sane u dambeyey.
Difaaca qaranimadduna waa isku duubni shacab iyo dowladd wanaagsan oo xoogan ilaalisanaya qiyamka dadkeeda iyo dalkeeda. Ciidankeeduna garab joogo.
Jimce Mubarak
Somaliland Ha nolaato
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari