Wax aan is lahayn haddii aad isaga qiyas qaadato, xisaab qaldan baa kuu soo baxaysa. Farqiga Garxajis iyo Dhulbahante u dhexeeya Muuse ma fahamsana, xisaabaha sida weyn u ga qaldan baanay taasi ka mid tahay, hadaanay ahaynba ta u gu weyn. Beesha Garxajis oo badankoodu Waddani taageeraan, Muuse cadaadis ayay ku saaraayeen in doorasho la qabto ciddii doontaaba ha heshee, Muuse na taas buu diidanaa, welina diidanyahay. Si kasta oo Garxajisku ay u fahamsanyihiin in Muuse uu qaldanyahay, oo gardarro wado, oo sabab la’aan caruurtoodii si fulaynimo ah suuqyada u gu laayay iyaka oo aan hubaysnayn, oo hablahoodii jeelal u gu guray, taas oo ah wax aan abid dhicin, hadana ma doonayaan in Hargeysa iyo Burco dagaal ka bilaabmo oo la gu ka la yaaco. Waxa ay doonayaan in ninkan cadaadis dhab ah la saaro, iyada oo aanay dhibaato weyni dhicin na, kursiga la ga kiciyo ilayn xilka muddo cayiman uun baa loo dhiibay, oo boqor amma baadari kiniisad jooga ma ahee. Sidaas buu fikirkoodu yahay, sidaas baanu ahaanayaa ilaa inta ay cadaanayso in taasi aanay suurtagal ahayn. Fikirka mucaaridku ma gaadhin heer ay xabad ridaan, sidaas darted intii suurtagal ah is giiji oo Meesha is ku dheji weeye fikirkiisa doqonka ahi, waana taas sababta uu afka u taagayaa.
Is la sidaas oo kale, ayuu beesha Dhulbahante u haystaa. Duqsigii caanaha Hargeysa ku dabaal bartay, ee hadii aanu isa sixin, fuudka Laascaanood ku guban doona weeye. Ma oga, sidii Garxajis si aad u ga duwan, Dhulbahante in ay ka go’antahay in Laascaanood la gu ka la yaaco, oo ay xabadda ridaan hadii ay Khasab noqoto. Ma oga, oo xaqiiqo ahaan ma fahamsana, Dhulbahante waxa ay yihiin, waxa ay samayn karaan iyo sida ay u fikirayaan toona. Fahamka uu Beesha Dhulbahante ka haystaa waxa uu ka bilaabmaa Xildhibaan Indho-indho, waxaanu ku dhamadaa Saleebaan Cali-koore. Besba.
Alloow yaa wixii hore tagee, taliya oo yeela!
Waxa Qoray: