Hargeysa,(Qaran news)-Gudoomiyaha xisbiga UCID- Ing. Faysal Cali Waraabe oo maanta la kulmay xukuumadda Muuse Biixi iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa markii uu kulanku soo dhamaaday waxa uu shir jaraaid uu la qabtay xisbiga Kulmiye.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in aanu Madaxtooyadda aanu mudo 3 sanadood ah aanu ka soo ag wareegin waxana uu sheegay in uu maanta uu kala soo baxay war farxad leh oo uu shicibka reer Somaliland ugu bushaareynaayo.

Faysal waxa uu sheegay in hawadii Somaliland ay si toos ah ay ula wareegtay taasi oo ay oyadu hawadeeda maamulan doonto

Waxa kale oo uu sheegay in ay doorashadii wakhtigeedii ku dhici doonto isaga oo aad u faraxsan waxa kale oo uu sheegay in isfahamkii Itoobiya iyo Somaliland uu fuli doono oo uu sidiisii ku socon doono Somaliland la aqoonsan doono.

Shirkaasi jaraa’id waxa isna dhankiisa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed isaga oo amaan ku miisay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxana Mr Kaahin uu sheegay in ay doorashadu qabsoomi doonto wakhtigii loogu talo galay isla markaasina ay hayaan kharashkii loogu talagalay wixii iyaga kaga qaybay xukuumad ahaan.

Waxana uu sheegay in ay Somaliland ay hawadeedii la wareegtay oo ay iyadu maamulan doonto.

Kulankan maanta waxa ka maqnaa xisbiga ugu balaadhan xisbiyada Somaliland isla markaasina ay maalin walba ay ku soo biiraan taageerayaal ka soo goostay xisbiga talada haya.

Kulanka noocani ah ee laba xisbi ay kaga hadlaan arimaha doorashada waa markii u horaysay uu qabsoomo, xukuumaddahii hore waxa ay isugu yeedhi jirtay marka arimaha doorashada laga hadlaayo dhamaan xisbiyada qaranka oo ay halka ay wax marayaan ay siin jirtay.