Gaadiidka ganacsiga ee iska goosha Deegaannada Somaliland iyo Somalia ee Hore loogu carqaladeeyey Deegaanno ka tirsan Sool iyo Buuhoodle ayaa helay dariiq cusub oo ay maraan ka markii jidgooyooyin loogu galay meelo ay Mari jireen.
Gaadiidkan ayaa u wareegay dhinac Gobolka Sanaag, iyaga oo dhinac Puntland ka soo galay deegaannada Sanaag Barri oo ah dhul nabad ah oo aanay saameyn Colaadda Sool ka taagan.
Dadka deegaannada Bariga Sanaag ku nool ayaa lagu ammaanaa in ay yihiin dad aan ku dhex milin hirdannada siyaasaddeed ee ka jira deegaannada bariga, iyaga oo inta badan ka shaqeeya horumarka dhulkaas, iyaga oo mashaariicda horumarinta ka hela Puntland, Somaliland iyo Somaliaba.