Waxaa baraha bulshada Soomaalida si weyn looga hadal hayaa kiiska gabar yar oo 8 jir ah oo la la’aa muddo lix bilood ah, taasoo dhowaan la helay iyadoo la joogta nin sheegay inuu qabo oo ay xaaskiisa tahay.
Arrintan ayaa dhalisay caro iyo dood kulul oo ka dhex oogantay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la isweydiinayo xadeynta da’da guurka iyo doorka sharciga dalka iyo diinta Islaamku ku leeyihiin arrintan.
Sidii ay Gabadha ku luntay
Gabadha oo ku noolayd magaalada Boosaaso, ayey qoyskoodu waayeen bishii Siteembar ee sannadkii hore. Sida uu abtigeed noo xaqiijiyay, waxaa gabadha kaxaysay haweeney qaraabo la ah oo sheegtay inay u kaxaynayso adeerkeed oo jooga meel la dhaho Hurdiya.
Balse bilooyin kadib, wakhti ku siman Maarso sannadkan, ayaa muuqaal laga soo duubay gabadha oo Qur’aan akhrinaysa, waxaana lagu faafiyey baraha bulshada taasoo sababtay in qoyskeedu bilaabaan raadinteeda. Waxay ogaadeen in gabadhu ay ku sugan tahay deegaanka Carmo, iyadoo la joogta nin lagu eedeeyay “inuu qaatay”.
Sida uu abtigeed sheegay, qoysku markii ay la xiriireen ninkan, waxay weydiiyeen sida ay gabadhoodu ugu dambeysay gacantiisa.
“Markii hore wuxuu sheegay in eedadeed u keentay oo aabaheed u dhiibay si uu Qur’aan u baro, balse markii qoysku ka cawdeen oo dacwad ka gudbiyeen, ayuu hadalkiisa beddelay, isagoo sheegay inay xaas u tahay gabadha, aabaheedna uu si sharci ah ugu daray” ayuu yiri ninkaas abtiga u ah oo BBC u warramayey.
Waraysiga Ninka La Eedeeyay
BBC Somali waxay waraysatay ninka lagu eedeeyay afduubka iyo guurka khasabka ah oo magaciisa aan ku soo koobayno Sheekh Maxamuud. Wuxuu beeniyay dhammaan eedaha loo jeediyay, isagoo ku dooday in aabaheed uu siiyay gabadha, uuna guursaday.
Mar aan weydiinay sida uu ugu qancay guurka gabadha yar, wuxuu yiri “mad-habka Shaaficiga iyo sunnada Nabiga ayaa ogol in gabar 8 jir ah la guursan karo”.
Markii ay BBC xujeynay dooddaasi, oo aan u sheegnay in culimo badan oo Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen, isla markaana sharciga dalka uu u aqoonsan yahay gabadhan ilmo yar, wuxuu ku adkaystay inuusan “ka laaban doonin guurka gabadha”.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu markii hore aaminsanaa in gabadhu ka weyn tahay 8 sano, oo ay 12 sano jirto, isagoo sheegay inuu sidaa ka soo xigtay aabaheed. Laakiin qoyskeeda dhow oo ay isku deegaan ku koreen ayaa noo xaqiijiyay inay 8 sano jirto.
Markii qoysku dacwad u gudbiyeen booliska iyo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Puntland, ciidamo ayaa loo diray guriga ninka gabadha haystay.
Sida qoysku noo sheegeen, markii ciidanku tageen, ninku wuu diiday inuu albaabka furo, wuxuuna isaga iyo gabadha isku xiray qol gurigiisa ka mid ah. Odayaasha deegaanka ayaa markii hore ciidanka ka codsaday in arrinta si nabad ah loo xaliyo, balse ugu dambeyn, ciidamada ayaa xoog ku galay guriga, iyagoo gabadha ka soo badbaadiyay.
BBC waxay xaqiijisay in hadda gabadha ay gacanta ku hayaan booliska iyo hay’adda xuquuqul insaanka Puntland. Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in baaritaan uu socdo, balse aysan wali shaacin go’aanka ay ka gaari doonaan kiiskan.

Qoraalka sawirka,Degmada Carmo oo ah halka gabadha laga helay.
Maxay hay’adaha dowladdu ka yiraahdeen?
Madaxa hay’adda xuquuqul insaanka Puntland Siciid Cabdi Muumin ayaa BBC u sheegay in kiisaskan oo kale ay badan yihiin, loona baahan yahay sharci adag oo ilaalinaya xuquuqda carruurta.
Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dowladda Soomaaliya waxay hore baarlamaanka ugu gudbisay hindise sharciyeed la xiriira ilaalinta carruurta, balse sharcigaas ayaa dib loogu celiyay wasaaradda qoyska kadib markii culimada qaarkood ay ka biyo diideen qodobo ku jira.
Waxaa wali la sugayaa in sharcigaas la horgeeyo baarlamaanka mar kale, balse lama oga goorta taasi dhici doonto. laakinse dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in qofka jira da’da 18 sano ka yar uu yahay ‘carruur’.
Doodda baraha bulshada
Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa hareeyay dood adag oo ku saabsan guurka gabdhaha da’da yar. Dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay dhaqan xun oo qatar ku ah carruurta, halka qaar kale oo taageersan ay daliishadeen diinta Islaamka.
Sidoo kale, waxaa aad looga doodayay macnaha saxda ah ee ereyga paedophile, dambiga ay xambaarsan tahay iyo in loo baahan yahay eray-bixin Soomaali ah oo qeexaysa dad la mid ah ninkan la eedeeyay.
Kiiskan ayaa si weyn u kiciyay dareenka bulshada, waxaana la sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee dowladda iyo hay’adaha garsoorka marka ay soo baxdo natiijada baaritaanka.
Bbcsomali