Madax wayne daacada
Dun wanaagsan oo goba
Daayinkaan ka baqayaa
Dar allee anaa qiray

Wixii dawlad soo maray
Qarankiyo dalkeenana
Ninka ugu dad liiteee
Dabaajiir xilkaw diray
Daayinkaan ka baqayaa
Dar allee anaa qiray

Dadku uma codayn shalay
Kuwan diirtay shacabkii
Dawadii kalyaha cunay
Adigay ku doorteen

Kuwa daara jeexdiyo
G plus ta dabaqyada
Bulshadani dilaaliin
Adeegeeda uma diran

Adaa keenay dubatada
Cugtay oo dunuubtiyo
Danbigooda aakhiro
Dumadaada taalaa

Intaa daacadee samo
Kuu dardaarmilahyd talo
Nin doorkaad jeclayd iyo
Duqaydaad balamisiyo
Qof kastoo dantaa wada
Daaha lagama rogo oo
Daymadaadu waa lacag

Dar bay sheegayeen kiro
Dad u baahday kulankaa
Kaga qaaday duunyee
Dib u eeg albaabkiyo
Inta joogta docahaa

Xogta daawo suuqiyo
Dulmiyada dhacaayoo
Hawga darin miskiinkii
La khaldee duruuftiyo
Wax ku doortay baahida
Kanaa dhaama door roon

U dadaal karaankaa
Dib u xulo wasiirada
Inaad tahay qof daacada
Deeqsi aan ka dhaqan maal

Dadkii aamin kaa qabay
Haka dumin quluubtee
Ugusoo bax dibadoo
Shacabkaaga ka war doon
Danyartaada xaalee
Ka dareeri tuugtoo
Haku daawan kii xaday
Ilaahay dar wacanoo
Hakuu dooro kuu tudho

Adigoo dabciga wacan
Dabacsanida xoorayn
Mar mar diiranaantiyo
Qarankay dantii tahay
Dareen kulul ku maree

Abwaan Daaho Gaas